Daacish oo afduubtay laba oo nin oo ajaanib ah

Wasaraadda Arrimaha dibedda Shiinaha ayaa sheegay in qof dhashay u Shiinaha oo ay kooxda Daacish afduubtay..

Warkan ayaa yimid maalin ka dib markii kooxda Daacish ay ku daabaceen wargeyskooda sawirada laba qof oo ay afduubeen oo ka dalbanayaan madax furasho.

Labada qof ee kooxdu afduubteen ayaa waxay ku kala sheegeen, Fan Jinghu oo 50 jir oo u dhashay Shiinaha iyo 48 jir lagu magacaabo Grimsgaard-Ofstad oo u dhashay dalka Noorway..

Kooxda Daacish ayaan sheegin wakhtiga iyo meesha ay ku qabteen lahaystayaashan.

Raysal Wasaaraha Noorway Erna Solberg ayaa sheegtay in mas’uuliyiinta Norway ay ogaadeen in ay suurta gal tahay in la afduubtay nin dalkaasi u dhashay oo da’diisa ay tahay afartameey oo laga afduubay gudaha Suuriya.

Solberg waxay sheegtay in Noorway samayn doonto dadaalo lagu soo dayn doono ninkaas. Balse waxay ay sheegtay in aanay dawladeedu bixin doonin wax madax furasho.

bandhige@gmail.com