Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” waxa uu maanta ka qaybgalay xaflad lagula kala wareegayey sariibad cusub oo loo dhisay Caanalayda, taas oo loogu talogalay sidii loo ilaalin lahaa nadaafada, caafimaadka caanaha xoolaha iyo sidii loo tayeyn lahaa xanaanaynta xoolo naaxinta.
Madaxweyaha oo ka hadlay xafladan ayaa waxa uu xusay in caanuhu ahmiyada gaar ah u leeyihiin dadka, sidaas awgeedna loo baahan yahay in laga shaqeeyo tayadoo iyo ilaalintooda, isagoo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi:
“Xoolaha iyo Caanuhu waa tiirka nolosha shacbiga Somaliland, Mashruucan Caanaha lagu nadiifinaayo waa mid muhiim ah, Waxaan u mahad naqayaa EU oo maal geliysay Mashruuca, sidoo kale waxaan u mahadnaqayaa FOA oo fulisay.”
Ugu danbayntii waxa uu Madaxweynuhu shacabka ugu baaqay in ka faa’iidaystaan mashruucan oo muhiimad gaara u leh caafimaadkood iyo in ay helaan caano caafimaad qaba.
Halkan hoose ka daawo khudbada Madaxweyne Siilaanyo: