Xoghayihii hore ee Qaramada Midoobay Boutros Boutros -Ghali ayaa geeriyooday isagoo .Wuxuu sagaashan iyo saddex jir ah.
Rafael Darrio Ramirez Carreno oo ah madaxweynaha Golaha Ammaanka ayaa xaqiijiyey geerida Boutros Ghali.
Boutros-Ghali oo Masar u dhashay ayaa noqday qofkii ugu horeeyay oo Carab ahaa oo qabta jagada ugu saraysa ee Qaramada Midoobay.
Boutros Ghali ayaa waxa uu shaqada bilaabay 1992, waxaan xilka ka degay sannadkii 1997-kii. Waqtigiisii uu xilka hayey waxa booqasho ku tegay waddamada Soomaaliya oo uu ka socday dagaal sokeeye, Yugoslavia iyo dagaal ka socday Bariga Dhexe. Balse waxa lagu dhaleeceyn jiray in uusan waxba ka qaban xasuuqii Rwanda ee 1994.
Shan iyo tobanka waddan ee xubinta ka ah Golaha Ammaanka ayaa u qabtay hal daqiiqo oo aamusnaan ah geerida Boutros Ghali.