Madaxweyne Siilaanyo waxa uu kulan la qaatay Guddoomiyayaasha Maxkamadaha

????????????????????????????????????

Kulankan ayaa noqonaaya kii u horeeyey ee muddo 24 sanno ah ay la kulmaan Madaxweynaha qaranka, Guddoomiyayaasha maxkamadaha rafcaanada ee gobolada ugu sareeya iyo Guddoomiyayaasha Maxkamaddaha Gobollada Dalka dhammaantood, fursadan oo uu siiyey madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, bahda garsoorka ayaa daba socota dardargelinta iyo dhiirigelintii ay ka heleen Madaxweynaha qaranka mudadii uu xilka qaranka hayey, muujiyeyna dedaal iyo juhdi fara-badan oo uu geliyey sidii dalka ay uga hirgeli lahayd cadaalad ka farxisa qof kasta oo xaq ku socda, tirsanaayana cadaalad daro.

Markii kulanku dhammaaday waxa saxaafada si wada jira ula hadlay Wasiirka Madaxtooyada iyo Gudoomiyaha Maxkamada sare.

Ugu horayna waxa halkaa ka hadlay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadan Xaaji Cali Axmed waxaana hadaladiisii ka mid ahayd:

โ€œMaanta halkan waxaa isugu yimi garsoorkii gudoomiyayaashii maxkamadaha rafcaanada ee gobolada ugu sareeyey iyo gudoomiyayaashii maxkamadaha gobolada dhammaanย  wadankoo dhan Madaxweynuhuna maanta wuu casuumay si uu ugala hadlo dardar gelinta garsoorka iyo cadaalada markaa si fiican buu Madaxweynuhu u qaabilay waxaan uga mahad naqaynaa sida fiican ee uu madaxweynuhu u soo dhaweeyey waana markii ugu horaysay ee gudoomiyayasha maxkamadaha rafcaanada gobolada wadanka oo dhan qasriga madaxtooyada madaxweynuhu ku qaabilo iyo inta la xusuusan yahayba waayo hore umay dhici jirin waxaanay badh ka tahay dardar gelinta uu madaxweynuhu hogaaminayo ee garsoorka iyo cadaalada wax lagaga bedelayo.โ€

Isagoo Guddoomiyuhu hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi:

โ€œMarkaa anigoo ku hadlaaya afkii garsoorka iyo cadaalada madaxweynaha aad baan uga mahad naqaynaa si fiican buu u qaabilay waa lays xogwaraystay talo iyo tusaaluu madaxweynuhu usoo jeediyey.โ€

Ugu danbayn waxa isna hadalka soo xidhay Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi waxa hadaladiisi ka mid ahaa:

โ€œKulankan maanta ee ย ka dhacay Qasriga Madaxtooyada Madaxweynuhu wuxuu ku qaabilay sidaa Guddoomiyaha Maxkamadu sheegay Aadan Xaaji Caliย  Guddoomiyayaasha Maxkamadaha Gobolada Racfaanada ee dalka oo dhan wuxuu ahaa kulan qiimihiisa leh oo aad u muhiima waxay bahda garsoorka iyoย  madaxda cadaalada ee gobolada kala duwani ka warameen waayaha iyo duruufaha masuuliyada ay qarankan u hayaan iyo wixii u qabsoomay.โ€

Isagoo hadalkiisa siii watana waxa uu yidhi:

โ€œMadaxweynuhu ilaa 11-qodob oo waxqabada buu sheegay khudbadaa Madaxweynaha ee sanadkani Hayโ€™adaha dawladda ee kale waxqabadkooda midna kama waramin Siyaasada iyo arrimaha dhaqaalaha iyo arrimaha noloshada saamynta ku leh bulshaduu ka hadlayey laakiin garsoorka xoog buu isu barbartaagay khudbadii ugu dheerayd dhinaca garsoorka ama ugu xuska weynayd bay ahayd ujeedaduna waxay iftiiminaysay muhiimada garsoorku u leeyahay cadaaladda iyo nolosha bulshada Somaliland.โ€

Gabagabadii waxa uu Maxamuud Xaashi hadalkiisa ku soo gabagabeeyey:

โ€œWaxaanu aaminsan ahay in garsoorka Somaliland waa cusub u baryey in uu maanta dariiq wanaagsan hayo waxaa runtii Madaxweynuhu ku guubaabiyey gudoomiyayaashaa gobolada ee kala duwan in isbedelkaa xaqiijiyaan inay ummadda cadaalada gaadhsiiyaan, inay ummadda cadaalad ku dhaqaan, in kalsoonidii bulshada ee bahdaย  cadaalada niyad jabkii kaga dhacay dib loo nooleeyo oo ummaddu aaaminto garsoorka iyo cadaalada, sharciga iyo kala danbaynta, Waxaanu ugu danbayn hambalyeynaynaa u mahad naqaynaa dhammaan masuuliyiinta kala duwan siday xilkooda u gudanayaan waayaha iyo duruufaha ku gedaamana inay u dul qaataan ayaanu ku waaninaynaaย  kula dardaarmaynaa wixii lagala qaban karana dhamaanteedba Madaxweynuhu runtii waxyaalo badan uu balan qaaday inuu wax kala qabto.โ€

 

bandhige@gmail.com