Ciidamadda RRU-da oo xalay gurigeeda ugu dhacay, xabsigana u taxaabay Saado Jaamac “Saado Dheer”

Ciidamada la dagaalanka agagixisada ee magaalada  Berbera ayaaa hebeenkii xalay ahaa gurigeeda ugu dhacay Saado Jaamac oo loo yaqaano Saado dheer, taas oo ka mid ah saaraakiisha xisbiga Waddani ee gobolka Saaxil.

Sidoo kale ilo wareedyo ka agdhow guriga Saado Dheer ayaa ayaa waxa sheegeen in ciidamadu qasaare soo gaadhsiiyeen agabkii gurigeeda, isla markaana  ay xabsiga dhexe ee Berbera u taxabeen Saado Dheer.

Xadhigan ay ciidamada kula kaceen Saado Jaamac Aadan  iyo weerarka mirta ah ee ay ku qadeen gurigeeda habeenkii xalay ahaa, ayaan ilaa hadda si dhab ah loo ogayn waxa uu ka dhashay.

Dhanka kale qaar kamid ah qaraabada Saado Dheer oo warbaahinta la haddlaya ayaa sheegay in ay ciidamada RRU-du xalay saqdii dhexe ay ugu soo daateen gurigooda, iyagoo ka hadlayana waxay yidhaahdeen sida tan:

“Garanmayno meel la geeyey hooyo  Saado, xalay saqdiidDhexe ayey ciidanaAfka-duubani noogu soo daateengGuriga anagaa oo hurudna , guriga oo dhan way baadheen, albaana baadhitaankoodii burbur ayaa soo gaadhay.” 

Ciidamada booliska ee taliska Berbera ayaa wali waxa wara ka soo saarin xadhiga Saado Dheer.

bandhige@gmail.com