Dan Guud markaad maqashid waxa dubaaqaaga ku soo dhacaya wax la wada leeyahey oo cid badan ka dhaxeysa, waana run oo waa wax lagu wada dheefo, cid gaar ahna aan ku magacaabneyn, haddii la ilaashadana faa’iidadeedu badaneyso, isla mar ahaantaasna ajar iyo xasanaad laga helayo. Danta guud waa hal irmaan oo haddaad ilaashato aad ka dhameysid hadh iyo habeen, gu iyo jiilaal, aakhiro iyo iftiin.
Danta guud dhinaca kale waa dhaxal waara ood uga tagtey ubadkaaga iyo ubadkaaga kuway sii dhali doonaan.
Wadadu waa dan guud, idilkeena waynu ku dheefnaa, waxa loogu kala gooshaa magaalada dhexdeeda amaba magaalo ilaa magaalo, yar iyo weyn waa la manaafacaadsadaa, haddii ay go,do amaba ay waxyeelo soo gaadho waxey saameysaa idil ahaanba bulshada.
Sidaasoo jirta hadana inta xil iska saartaa way yartahey amaba maba jirtaba, qashinka si edeb daran ugu tuur, biyaha si bilaa lexe jeclo ah ugu saydhi, qashinka yaala mid aad ku darto mooyee mid aad ka qaado yaanu yeelan , waa hab dhaqanka dadkeena iyo wadooyinku sida ay u dayacan yihiin, mararka qaar markuu roobku da,o dadka qaar ayaa qashinka sii raaciya oo aan dan iyo heelo ka galin.
halka guryaha aynu gaarka u leenahay ee ay ku dhaqan yihiin qoys kaliya si la ogyahey loo ilaaliyo oo loo lexejecleeyo, waa maxey sababta ay ku dhacdey in wixii dadka ka wada dhexeeyayna la dayaco wax yar oo qofkaliya leeyahey lagu indho madoobaado sida loo ilaalinayo ee loo dayac tirayo? Malaheyga taaseynu moodeynaa hillinkii saxda ahaa, bal adba.
Hantida Dawladdu waa dan guud oo loogu adeego shacabka, ha noqdaan kuwo xafiis amba qalab caafimaad, waxbarasho, farsamo, gaadiid iyo wixii la hal maala, maalinba qof ayaa ku hawlan inuu ku shaqeeyo oo uu bulshada uga haqabtiro baahiyahooda, bari ka maalina ku kaluunbuu ku wareejiyaa.
Masiibaduse waxey tahey, in aaney in badan oo kamida dadka masuulka looga dhigey hantidaasi aaney dan iyo muraad ka galin oo ay sida ay doonaan ugu takrifalaan, wixii oo aan lagu sii manaafacaadi Karin ay kaga tagaan meeshaa amaba inta hadhaaga ahna ay meelo kale gaystaan, meeshii uu ka baxey waxey u baahantahey in lasoo buuxiyo, waana lagu khasban yahey oo hawshii halkeedii iney kasii socoto waa muhiim, isla markaana waxaa laga bixinayaa uun qasnadii bulshada oo aheyd in baahiyaha kale ee ay bulshadu qabto in lagu daboolo.
Kheyraadka dabiiciga ah sida kuwaa hore iyaguna waxey soo hoos galayaan danta guud, waxa ka mida badii, wabiyadii, harooyinkii,dhirtii, daaqii, macdantii iyo dhulka laftiisii. Waa wax aynaan ku bixin xoog iyo xeelad toona, qunyar uun baad meesha ugu timi amaba iyagoo jira ayuunbaad garaadeysatey, dhirtii iyo daaqii illahey ugu talo galey dad iyo duunyaba cida ka agdhaw iney ka manaafacaadsadaan ayuun buu nin kaliya ood gaw ku siinayaa, qorina wuu la ag istaagayaa, car! Waa shimbirta soo ag marta, markaasa xoolihii iyo mayeedhaankii gaajo kolba meel la ootey sidii tuugada u dhacayaan oo la soo dhaawacayaa.
Waxa uguba daran dhirtii oo si arxan darro ah loo gumaadayo oo dhuxul, xaabo iyo wax lamida laga shidayo, Haddii Illahey (SWT) nimcada uu ina siiyey loogu mahad naqi waayo oo la ilaashan waayo saw laynaga goyn maayaba.
Diinta islaamku marar baden waxey dhiiri galisaa in la ilaaliyo danta guud ee ka dhaxeysa bulshada, dhirtu waxey ka mid tahey waxyaalaha ugu qiimaha baden, aduu waad beertay yaase og imisa qof ayaa hadhsan doona, ka goosan doona midho, xadiis baa lahaa “Haddii suurta la afuufayona sii beer geed”, mida kale waa sadaqo kuu socota iyo biil aduunkii kaaga soo dhacaya marka aad iilka jiiftid.
Xaaji Aden Afqalooc (AHUN) gabey uu tiriyey bay ka mid ahaayeen tuducyadani.
Idinkaa amaanada xilka leh eega qaabilaye
Iskaa wax u qabso, Nolosha waa udub dhaxaadkiiye
Israafka iyo fadhiygu waa waxeydu eedeen
Anna waxaan idhi anoo danta guud ilaalinteeda dadka ku dhiiri galinaya, lasocoo gabayaa ma ihi mana geeraaro, deelqaafna waa laga heli karaa:
“Danta Guud Dadyow Haloo Daadaalo
Daarta aakhiriyo iftiinkaba waa Danteenee
Dalka lafdhabartiisiyo dadkana waa u duunyo,e.”
Waxa Qortey: Hibo Ciise Maxamed (basbaaso)
hibafaakhir@gmail.com