Maraykanka: Daacish waxay noqotay halistii ugu weynayd ee soo wajahday amniga caalamka 2015-kii

Warbixin ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in cabsidii dhinaca argagixisada ahayd ay hadda baahday oo aanay jirin hal meel oo loogu hagaago.

Warbixinta sannadlaha ah ayaa shaaca lagaga qaadey in ururada ay awoodoodii gaadhsiiyeen gobollo dhowr oo ah oo dunida ku yaalla, sida Koonfur bari Eeshiya, gobolka Qooqaas ee woqooyiga Ruushka, iyo Qaaradda Afrika.

Iyadoo kooxaha Boko Haram iyo Shabaab ee al Qaacidda, ay qaadayeen weeraro amniga lagu khal-khal galinayo, ayaa haddana dhanka kale kooxda Daacish waxay tahay halista ugu weyn ee uu caalamku wajahayay sannadkii lasoo dhaafay.

Eeran, ayaa loo arkey waddan taageera argagixisada, iyadoo lagu eedeeyay in ay taageerto kooxda Xisbullaah ee Lubnan, ururo argagixiso oo la sheegay inay Gaza, Falastiin joogaan iyo xagjiriin kale oo Ciraaq iyo dalal kale oo bariga dhexe jooga.

Weerarada kooxaha argagaxisada ah ayaa waxay ku soo badanayaan dunida iyagoo weerarooda ka fuliya deegaano aad u tiro badan, sidoo kale waxa sii xoogaysanaya xidhiidhada ay la samaynayaan ururo badan oo dunida ka jira.

Sidoo kalen waxay cabsi weyni la soo deristay waddamada Yurub iyo dunida guud ahaanba.

bandhige@gmail.com