Maraykanka wuxu ka noqday xidhitaanka xafiiska Falastiin ee Washington

Maraykanka ayaa dib uga noqday qorshe uu damacsanaa in uu albaabada isugu dhufto xafiiska ay maamulka Falastiiniyiintu ku leeyihiin Washington.

Maraykanka ayaa dhawaan shaaciyey in xafiiskaas la xidhi doono kadib markii ay maamulka Falastiiniyiintu sheegeen in ay hoos u dhigayaan xidhiidhkii ay la lahaayeen xukuumadda Maraykanka isla markaana ay maxkamadda caalamiga ah la tiigsan doonaan saraakiil Yuhuud ah oo ku lug leh deegaamaynta Yuhuudda ee sharci-darrada ah iyadoo uu Maraykanku hadda uun bilaabay qorshe nabadeed cusub.

Haseyeeshee Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka Rex Tillerson ayaa sheegay in xafiiskaasi uu sii furnaan doono ugu yaraan 90 maalmood.

Bandhige@gmail.com