Mareykanka iyo Iraan maxaa ka dhaxeeya?

khic ra

Waxa aynu wada og nahay  in dalalka Iraan iyo Maraykan oo xidhiidh fiican ka dhaxayn jiray intii uu jiray xukunkii boqorkii la odhan jiray Maxamed Ridaa Bahlawi ( Shaah), laakiin  markii uu dhacay kacaankii lagu magacaabay Islaamiga ee uu hogaaminaayey Aayatulaahi Ruuxilaahi Khumayni in xidhiidhkaas aad u xumaaday sida muuqata aadna la iskugu hanjabi jiray ilaa ay soo gaadhay markii  George W.Bush (wiilka) madaxweynaha  noqday waxa uu ku magacaabay  dawladah iraan, Ciraq iyo Kuuriyada Woqooyi sadex geeskii shaydaanka (Axis of evel).

Kacdoonkaa ka dib laba dal waxa ay ahaayeen col daahood go’ay oo si khirab iskula hadla inkasata oo aan dagaal toos ah oo micno leh dhex marin hadana dagaalo dedban oo badan oo ay iskaga hor yimaadeen ayaa jiray kuwaas oo Lubaan iyo Ciraaq u badnaa  intabana waxa y u eg yihiin in ay riwaayad jilayeen ee aan midkoodna waxba la soo gaadhsiin, marka laga reebo dadkii Maraykanka badan ahaa ee markii Kacdoonkii Aayatulaah gulaystey lagu afduubay safaaradii uu Maraykanku ku lahaa magaalada Dahraan, kuwaansa waan waan dedban ayaa lagu sii daayey sanadkii 1981kii.[i]

Taas waxaa caksigeeda ah xidhiidhka Sucuudiga iyo Maraykanku waxa uu ahaa  mid aad u wacan oo gaadha ilaa heer ay is xulafaystaan oo ay wada sameeyaan dagaalo wada jir ah iyo ummado iyo dalal ay wada baabi’iyaan sida, xidhiidhka ugu weyn ee labada dalna waxa uu soo bilowday 1945kii markii ay aas-aasihi Boqortoyada Sacuudiga Cabdulcasiis iyo Rosevelt madaxweynihii Maraykanka ee markaas ay ku kulmeen Markab dusheed[ii].

Hadaba waxaa maanta muuqata kuwa colka ahina in ay hoosta ka xidhiidhsan yihiin kuwa xulafada muuqata ahina ay saaxiibo ku meel gaadhka ah laakiin cadow soo jireen isku ah yihiin.

Markaad u fiirsato dagaalada ay sababeen kacdoonkii Carabta eek a dhacay wadamo badan waxaa maanta aad u muuqata in Iraan iyo Maraykanku isku dhufays yihiin halka Sucuudiga iyo xulafadoodan waxa aan jirin aam aan rasmi ahayn loo sheego.

Dagaalka ciraaq waxaa si toos as safka ugu wada jira ciidanka Maraykanka iyo ilaalada Kacaanka Iraan oo la wada dagaalamaya Daacish iyo xerteeda, laakiin Suuriya marka la tago arinku wuu cakir mayaa xulufada Maraykanka iyo Sucuudigu iyo Mucaaradka ay taageeraan meelba ma gaadhaan halka ay Iraan si toos ah dhinac kale ula soo safatay oo ay maleeshiyaad , hub iyo wax walba ku soo dal dashay waxaase ay la wada dagaalaman dhamaan Daacish iyo Jabhatu Nursa imakana loo yaqaano Fadxi Shaam.

Hadii aanu Turkigu maalmahan ciidan soo galin lahayn waa la waayi lahaa mucaaradka qunyar socodka ah kuwo lagu tilaamo eek a hawl gala Suuriya.

Waxaa iyaduna maalmahan soo baxaday markii barnaamijka Nukliyeeka Iraan ay dawladaha waaweyn kala heshiisay in lacag badan oo lagu sheegay ilaa Afar boqol oo milyan oo doolar Maraaykanku Iraan u sii daayey markii hore ay dafireen waxaana banaanka soo dhigay musharax Jamhuuriga ee Donald Trump waany qirteen maamulku, halka golaha Kongareeska Maraykanku ay shalay ka ansixiyeen in dawlada Sucuudiga dadkii ku wax yeeloobay 11 sebtembar 2001dii ay maxkamad la tiigsan karaan, hada qof ma ahee waa dawlad waxa la maxkamadaynayaa !!

Ku darso oo Sucuudigu ma weerarin Maraykanka ee waxaa weeraray koox argagixso ah  sida loo dhigay hadalka.

Waxaa kuu soo baxayaa markaa in Shiicada reer Iraan iyo Maraykanku waligood hoosta saaxiibo ka ahaayeen wax kasta oo hanajaabaad ama dagaal afna uu ahaanuu riwaayad loogu muujinayo umadaha Islaamka in nimankaasi yihiin kuwa dhabta ah ee difaacaya danaha ummada.

Waliba xirfad wanaagooda labadii quwadooda ee waaweynaaba dagaalka Suuriya way soo galiyeen iyaga oo isku dan ah saaka waxa uu Kery iyo Lavarof ku dhawaaqeen in ay wada jir dagaalka Suuriya hadeed u fulin doonaan  laakiin ay taas ka horayso in xabada la jooyiyo Isniinta laga bilaabo ilaa todoba cisho qolo walba saaxiibadeed sidaa ku war galiso.

Xasan Ciise

[i] http://www.history.com/topics/iran-hostage-crisis

[ii] https://www.washingtonpost.com/news/worldviews/wp/2015/01/27/the-first-time-a-u-s-president-met-a-saudi-king/