Inqilaabkii ay ku kaceen saraakiishii reer Soomaalilaan ee dhacay bishii diisambar ee sannadkii 1961-kii, wuxuu ka dhashay in dawladnimadii Ingiriiska lagala wareeay, lagu tuuray meel aan habboonayn. In kasta oo inqilaabkaasi fashilmay hadana wuxuu shiday shamicii halgankii kooxiba koox u dhiibaysay, taaso aakhirkiina keentay inay SNM ku guulaysatay inay dalka ka xoraysay xukunkii koonfureed. Waxaana abuurmay dhaqdhaqaaq mowjadeysan iyo dareen aan dawlad kastaa, oo Soomaaliya ka dhisani is-hortaagi Karin.
Magacyada Saraakiishii Inqilaabka Geystay
Saraakiishani inqilaabka ku kacday, waxa ay tababar sarkaalnim ku soo qaateen dalka Ingiriiska, waxa aanay ahaayeen sagaal sarkaal, oo kala ahaa:
Xasan Cabdulle Walanwal (Xasan-Kayd), Maxamed Cabdilaahi, Cabdilaahi Koongo, Cabdilaahi Siciid Caabi, Maxamed Maxamuud Siciid, Siciid Cali-Giir, Faysal Xaaji Jaamac, Daaโuud Cali Yaxye, Maxamed Khaawi, Maxamed Cabdiraxmaan Luggooyo, Xasan Faarax iyo Xuseen Cali Ducaale โCawilโ. Saraakiishani waxa ay is-tuseen in midowgii Soomaalilaan iyo Soomaaliya uu markii horeba khaldanaa, oo ay ka dhalatay caddaalad-daro, dabadeed waxa ay goโaanseeen inay ummadda u soo celiyaan dawladnimadoodii. Ka dib waxa ay ka doodeen labadan qodob oo kala ahaa, miyeynu iska shaqaysanaa mid Janaraal gaadha iyo mid jago kale gaadhaba? Mise ummaddeena ayeynu u hiilinaa oo u soo celinaa dawladnimadii ka luntay? Dabadeed waxa ay isku raaceen qodobka labaad, waxa ay naftooda ku qanciyeen in guusha Ilaahay bixiyo, balse haddii ay guuldaraystaan in aanay naftooda ku canaanayn mustaqabalka inay ummadooda ka duwaan godka ay ku sii dhacayso. Markii goโaankii ay isla qaateen ayay bilaabeen inay la tashadaan wax-garadkii ay kalsoonida ku qabeen. Sidoo kale waxa ay isla garteen inay soo xero geliyaan Isbatoorayaashii una balan qaadaan in la dallacsiin doono haddii uu inqilaabku guulaysto. Qorshahoodu wuxuu ka duulaayey shantan qodob:
- In dib loogu yeedho xildhibaanada, Wasiirrada iyo shaqaalaha ka soo jeeda Soomaalilaan ee jooga Muqdisho
- In Soomaalilaan dib ugu soo noqoto wixii ay ahayd 26-kii Juun 1960-kii
- In uu Maxamed Ibraahin Cigaal oo Raysal-wasaare ahaa maalintii xornimada uu xukuumada cusub dhiso
- In saraakiisha iyo shaqaalaha ka soo jeeda Soomaaliye ee ku sugan Soomaalilaan si nabad-geliyo ah loogu dhoofiyo Muqdisho
- In qilaabku ku beegmo sannadka 1963-ka dhammaadkiisa
Iyadoo qorshuhu sidaasi yahay, ayey hadana duruufo deg-deg ahi ku kelifeen in inqilaabka si dhakhso ah ugu dhaqaaqaan. Bishii Sebtembar ee sannadkii 1961-kii ayey saraakiishii isugu ymaadeen shir loo dhan yahay, oo ajandihiisu yahay in la dhammeeyo wixii qabyo ah. Dabadeedna nin ka tirsanaa saraakiisha ayaa Xasan-Kayd ku eedeeyey inuu yahay nin fudud, oo aan lagu hallayn Karin hogaaminta hawsha inqilaabka, sidaasi darteed si ku meel gaadh ah muddo laba todobaad looga wareejiyo hogaaminta hawsha, oo loo dhiibo Maxamed-Awr ama Cabdilaahi Koongo. Dhinaca kale Xasan-Kayd ayaa arrintaasi ka falceliyey, saaxiibkiina ugu jawaabay inuu ku sheegay wax aan qaban, dabadeed waxa hadalkii ku soo noqday sarkaalkii Xasan-Kayd eedeeyey, waxaanu yidhi, kol haddii Xasan-Kayd aqbali waayey soo jeedintii anigu waan ka tanaasulay in aan idin kala qaybgalo inqilaabka, balse waxa aan fulinayaa dhaartii aan idiin dhaartay, oo arrinta inqilaabka cidna uma sheegayo.
Saraakiishii kale ayaa isku dayey inay ku qanciyaan sarkaalkan inuu ka noqdo mowqifkiisa, balse wuu diiday. Dabadeed saraakiishii Hargaysa joogtay ayaa isla gartay in arrinta muddo sideeda lagu daayo, oo sannad ka dib ay Xasan-Kayd ama sarkaal kale ku qanciyaan inay fikirkooda beddelaan. Balse may dhicin, in sannad hawshii la hakiyo, oo way iska wateen. Kornayl Maxamed Caynaanshe wuxuu ahaa taliyihii ciidanka Militariga goboladii Waqooyi ee wakhtigaasi, sida caadiga ahaa wuxuu 6-aroornimo fadhiisan jiray xafiiskiisa is-gaadhsiinta ee ciidanka, halkaasina subax kasta wuxuu ku waraysan jiray taliyeyaasha goobihii kala duwan jooga. Kornayl Caynaanshe oo la hadlayaa Cabdilaahi Koongo, ayuu hadalkoodii soo dhexgalay sarkaalkii diidanaa madaxtinimada Xasan-Kayd ee inqilaabka ka baxay, dabadeed Kornayl Caynaanshe ayuu ku yidhi, waxa aan doonayaa inaad Cadaadley si deg-deg ah iigu timaado, markaasuu Caynaanshe ku yidhi Hargaysa iigu kaalay, hadana wuxuu ku yidhi maye adigu ii kaalay, markii dambe ayuu Kornayl Caynaanshe dareemay inuu sarkaalkanai war culus hayo, markaasuu aqbalay inuu Cadaadley ugu tago. Kol haddii uu sarkaalkani inqilaabkii ka baxay, lana balamay taliye Caynaanshe, arrinku wuu cad yahay inuu damacsan yahay inuu sirta sheego.
Kaartadii Inqilaabka
Markii ay caddaatay inuu jiro tuhun ah in sarkaalkii la balamay Caynaanshe, ayey 2.00-dii duhurnimo shaqooyinkii ka soo baxeen shan sarkaal oo kala ahaa, Xasan-Kayd, Cabilaahi Siciid Caabi, Maxamed Maxamuud Siciid, Siciid Cali-giir iyo Xuseen Cali Ducaaleโ Cawilโ shir deg-deg ahna way galeen, oo lagu goโaamiyey in isla-habeenkaasi inqilaabka la hirgeliyo. Shirkaasi waxa ka soo baxay qodobadan:
-In 7:00-da fiidnimo la qabqabto Kornayl Caynaanshe iyo saraakiisha kale ee reer Soomaaliya
-In 2:00-da subaxnimo inta ka horaysa la geeyo gurigii martida ee Ingiriisku ka dhisay buurta Gacan Libaax
-Inay ciidanka jooga Goryo-cawl 8:00 habeenimo soo baxaan oo ay qabsadaan meelaha Hargaysa ugu mihiimsan, sida, xerada ciidanka Daraawiishta, Taliska Booliska iyo meelaha kale ee boolisku hubkau yaalo, sidoo kale aanay wax xabbad ahi dhicin, oo dhimasho aanay u yiman
-Saraakiisha ilaalintooda waxa ay u xilsaareen marka Gacan Libaax la geeyo Isbatoore Xirsi Faahiye.
Cali Cabdi Coomay
Suxufi, qoraa ah.
Hargaysa, Soomaalilaan
Tixraac: Xuseen Cali DucaaLe โCawilโโฆโฆ..Raad-Raaca Taariikh Soomaaliyeed(2016)
La Soco qaybaha dambeโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆ