Wasiirka arrimaha dibada ee dalka Ruushka Sergei Lavrov iyo xogyaha amuuraha dibada ee dalka Maraykanka John kery ayaa wada hadal ay yeesheen waxay kawada hadleen arrimaha iyo colaada muddada dheer soo jiitantay ee ka alloosan dalka Suuriya, waxay heshiis is afgarad ah ku meel mariyeen sidii ay xabbad joojin ugu sameyn lahaayeen guddaha waddan Suuriya maalmaha soo socda.
John kery ayaa sheegay in la meel mariyo heshiiskan xabbad joojinta ah ee lagu muddeeyey 7 cisho, kana bilaabmaysa maalinta isniinta ee fooda innagusoo haysa.
Sida la xaqiijiyey dagaallada ka socda suuriya waxa ku dhintay in ka badan 500,0000qof, iyadoo mallaayiin kalena ay ku baro kaceen, Ruushka ayaa si wayn usoo dhaweeyey heshiiskan kuna tilmaamay mid midho dhal ah.
Dhanka kale ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Suuriya, Steffan de Mistura, ayaa sheegay in isfahankan uu la xidhiidho soo celinta heshiiska hakinta colaadda ka socota Suuriya iyo in marin loo banneeyo gargaarka bini’aadamnimo.