Marnaba ma mahadin doono maamulka Soomaaliya iyo xulafadiisu shirqoolada uu ka waddo guddaha Somaliland

 

Waxaa Muuqata Inay  Soomaaliya  U  Diyaar  Garoobayso   Hadda Sidii  Ay Hab   Military Iyo  Xoog   Ugu  Soo  Dabaali Lahayd  Somaliland   Waxa  Ay  Ugu  Yeedhaan  Midnimada Soomaaliya.

Somaliland Iyo  Soomaaliya Waxay   Dunidu   Ku Ogayd   Inay Wada  Haddal Iyo  Nabad Galyo Ku  Dhamaystaan  Arrimaha  Siyaasadeed  Ee Ka   Dhaxeeya, Hase  Yeeshee  Waxaa  Muuqata  In Maamulka Soomaaliya  Arrintaasi   Aanay  U  Cuntamin Oo Ay   Ka Doorbideen In Is  Muquunin Iyo  Xoog  Ku  Badalaan   Wada  Hadalkii Oo  Imika  In  Mudddo  Ah  Ay  Ka  Caga  Jiidayeen.

Muddoooyinkan  Danbe  Hadalada  Maamulka Soomaliya  Waxaa  Kamida   Ahaa (In  Wax Kasta  Oo Ay   Kaliftaba  Ay  U   Marayaan Sidii  Gobolada  Waqooyiga Loogu Soo  Celin Lahaa  Midnimadii   Somaliya)  Taasi   Oo Macnaheedu   Yahay  In Maamulka  Somaliya Uu  Xoog   Isticmaali  Doono.

Waxaanay   Hadda  Bilaabeen Faro  Galin  Toos Ah  Oo  Aan   Geedna  Loogu  Soo  Gaban ,  Waxaanse  U  Sheegayaa  Maamulka  Soomaaliya  Iyo  Xulafadooda U  Diyaar   Garoobay  In Ay  Geeska  Afrika  Iyo   Guud   Ahaan   Mandaqadan Ay  Ka  Huriyaan  Colaad Cusub  In   Aaya Xumida  Ka Timaada Ay  Tunka   U Ridan Doonaan.

Ummada Reer Somalilandna   Waxaan Ugu  Baaqayaa  Midnimo Iyo  Isku  Duubnaan  Iyo Inay Ka  Feejignaadaan   Cadowtinimada  Ay  Maamulka  Soomaaliya   U  Maleegayaan   Qaranka  Somaliland.

Cali  Maxamed  Waran-cadde

La  Taliyaha Gaarka Ah  Ee Madaxweynaha JSL

From:  Abu Dubai  UAE