Masuuliyiinta Wakalaadda Biyaha Hargeysa ayaa maanta kulan la yeelatay wefti ka socda Hay’adaha  

Masuuliyiinta kala duwan ee Wakaaladda Biyuhu waxay weftiga warbixin dhamaystiran ka siisay guud ahaan mashaariicda biyaha iyo Mashaariicda casriyaynta Hanaanka Adeeg bixinta ee Wakaaladdu gacanta ku hayso, qorshaha mustaqbalka ee Biyaha Hargeysa.

Warbixinta Wakaaladda waxaa xooga lagu saaray biyo-xidheenka Kalqoray oo hadda socda iyo Biyo-xidheenka Annayo oo daraasaddiisa hor-dhaca ahi gebo-gebo ku dhawdahay . Waxaa kulankan lagaga wada hadlay sidii layskaga kaashaan lahaa mashaariicda biyaha gaar ahaan dhismaha biyo-xidheenada , si magaalada Hargeysa u hesho biyo ku filan.

Gabagabadii xubnaha Weftigu waxa ay soo kormeereen qaar ka mid ah goobaha ay ka socdaan shaqooyinka balaadhan ee Wakaaladda Biyihu sida Shaybaadhka Hubinta Tayada Biyaha, dhismaha Dhaamka Kal-qoray iyo xarunta Biyo-Soo-Saarka Geed-deeble.