Baanka Somaliland oo sii wada hawl galkii….

Baanka Somaliland oo sii wada hawl galkii lagu xasilinayay qiimaha shillinka ayaa Maanta suuqyadda Sarrifka ka soo saaray lacag ku dhow 12 Billion oo SLSh ah kuwaas oo dheeraad ku ahaa Suuqyadda lacagaha.

Talaabooyinkan is daba-jooga ah ee Baanku suuqa ku galinayo lacagta adag ayaa keentay in Qiimaha Shillinku kor u kaco inuu 4.5%.

Baanku wuxuu sii wadi doonaa hawl galkan maalmaha iyo todobaadada soo socda.