Maxkamadda Maraykanku waxay si ku meel gaadh ah u joojisay mustaafurinta dadka fiisaha ku soo gala

Maxkamadda magaalada New York ayaa taageertay dood sharciyadeed ee ay soo gudbiyeen dadka ka soo horjeeda xannibaadda sida ku meel gaadhka ah uu Trump u saaray qaar ka mid ah Muslimiinta ka soo socdaalaya todobo dal oo Muslimiintu ku badan yihiin

Xeer Illaaliyayaha maxkamadda ayaa amray in dadka lagu xidhxidhay madaarada in aan la musaafurin karin.

Dadkaas ayaa la qabtay kadib markii la dhaqan galay dikreetadii uu Trump saxiixay.

Dhanka, Madaxweyne Trump ayaa difaacay go’aankiisa uu sida ku meel gaadhka ah Maraykanka uga mamnuucay dadka ka soo socdaalaya todobo dal oo Muslimiinta ku badan yihiin.

Donald Trump wuxu suxufiyiinta u sheegay in shuruucda cusub si wanaagsan looga shaqeeyay.

Wuxuu diiday in uu Muslimiinta xayiraadan uu saaray.

“Maya nacayb, maya cabsi, qaxootiga halkan waa lagu soo dhoweynayaan” ayey ku dhawaaqayaan dibed-baxayaasha ka soo horjeeday go’aanka Trump.

Dadka diidan ayaa sharciga la tiigsaday si looga noqdo go’aanka.

Garoonka diyaaradaha ee John F Kennedy ee New York, halkaas oo lagu xidhay dad masaafuriin ah, ayaa dibed baxayaal ay tageen.

Waxay ku dhawaaqayeen “u ogolow in ay soo galaan.”

Qaar ka mid ah shirkadaha diyaaradaha ayaa u diiday rakaabka qaar in ay ka qaadaan garoomada caalamka kale.

Dadka xayiraadda la saaray waxa ka mid ah kuwa haysta karaka loo yaqaano – Green Card – ee la siiyay deganaanshaha joogtada ah ee Maraykanka.

Donald Trump ayaa waxay arrinta sii xoojinaysaa neceybka uu u qabo dadka Muslimiinta ah taasi oo keenaysa in iyaguna ay sii necbaadaan Maraykanka.

bandhige@gmail.com