Shirkaddah Isgaadhsiinta iyo Xukuumada waxa la gudboon in daraasad lagu sameeyo doolarka iyo sicir bararka is-gaashaan buureystay (WQ: Nimcaan Cadaani Xuseen)

 

Dunidu  markay la kulanto dhacdo ugub ku ah waxay sameysaa daraasado badan iyadoo ku baadhaysa dariiqa ugu haboon ee lagaga hor tagi karro arrinkaasi in aanu mar danbe soo noqon.

Waxa hubaal ah In sicirka Doolarka ee Somaliland dhexdediisu uu gaadhay meeshi ugu sareysa halka dhanka kale maciisaduna ay maryso iyaduna meel sare.

Waxa guul uu ah in dalkeena iyo dadkiisaba in shirkadaha is gaadhsiinta ee dalku ay muujiyeen doorkoodi horumarneed ee dalkeena, waxyaabaha lagu amaani karo shirkadaha isgaadhsiinta ee dalkeena waxa ka mida ah iyagoo gaadhsiiyey adeegiyadoodi goobaha fog fog ee miyiga ilaa dadka ku teedsan dhammaan xuduudka dalku leeyahay.

Waxyaabaha u baahan in la dul istaago waxa ka mid ah in ay shirkadah is gaadhsiintu tuulo tuulo isugu xidheen dalkeeni iyadoo dadkii kuwada xidhiidhinay adeegyda telefoonad gacanta iyo adeega casriga ee internetka kaaso waxyaabo badan uu sahlay bulshadeen hadday noqto xagga waxabrshada iyo caafimadka.

Haddab in dalku ku talaabsado horumara dhinaca teknoolajiyada ah waa muhiim oo ummaddu uu baahntay in ay ummaddaha filkeed ah la talaabsato ama ay ka horu marto.

Waxyaabaha Akhristow  uu baahan in la iftiinsho  waxa ka mid ah in adeegyada kaydka lacagaha ee Zaad iyo E-dahab ay yihiin adeegyo ku cusub dunida oo qofku ku keydsanyo lacagtiisi isla markaan uu ku adeeganyo goob kasta oo uu joogo.

Adeegyadan keydka lacagtu waxaynu odhan karanaa waa arrin marka dhinaca laga eego faa’iido uu leh dadka isla markaan khasaarihiisa wata, haddaynu ku horeyno faa’iidada waxa uu ku sahlayaa adigoo jooga meel ka mida dalka in aad meel kale si sahlan aad uugu dirsan karto isla markaan wuxuu fududaynaa arrin wakhti  qaadan lahaday ugu yaraan nus- saac in aad hal miridhi ku dhamayso waxyaabahu furfuray waxa ka mid ah ganacsigii oo balaadhay degmo ilaa degmo si xawliyan uu socday.

Arrinta khasaarah waxa weeye wuxuu hore seeday in sicir barrar dalkii ka dhaco oo miciishadii ay sare uu kacdo isla markaana lacgtii kaashaka ahday ee dadka dhex soctay ay meesha ka baxady, in laga dhigaya adeegayadan laba hab oo ah kaash iyo dollar uu qofku ku doono ku adeegan karro, in khaldaad badani ay ka dhaceen marka ay dadku isku dirayaan lacgah isla markaan ay wakhti qaadato sidda loo soo celinyo halkaaso qofkii ka niyad jabyo istacmaalda adeegyadan.

Arrinta uu danbeysa ee igu dhalisay in aan maqaalkan qoro waxa weeye khaladaad ka imanay shaqaalaha shirkaddaha isgaadhsiinta marka  ay meherdaha ganacsiyada ama dadka diwaan geliniyaan iyagoo uu qoraya si aan magacoodii ahayn arrintaas oo ah waxa lag xumaado maadama shaqaalah shirkaduhu uu baddan yihiin dad akadamiya ah ama waxabrshada heer dugsi hoose midd dhexe midd sarre ilaa heer jamcded sida lagu tilmaamo.

Waxaan ku soo af meerayaa maqaalkaygan akhristow si khaldaadku uu yaradaan heerka gancsiga dalkuna uu noqdo mid si xawliyah uu kobca gancsatduna ay faaiido ka helaan dadkuna faido uu hellan waa in  in shirkadah is gaadhsiintu ay iska saxaan khaladaadkoda (writing Error)marka ay waxa dinwaan gelinayaan

Qalinkii: Nimcaan Cadaani Xuseen

 Bachelor science of public health

Cadaani123@gmail.com

Hargiesa Somaliland

La soco Qeybah Xiga