ย Zaadka, e-Dahabka sarifka iyo sicir-bararka maxaa ka dhaxeeya? (WQ: Maxamuud Faarax Warsame)

 

Sicir bararku waxa uu yimaadaa mar walba oo lacagtu ka badato intii loo baahnaa inay ahaato,tusaale ahaan haday dawladu lacag cusub soo daabacdo oo ay suuqa ku sii dayso waxa dhaca sicir barar, markaa sicir bararka asalka ahi waa kaas ka yimaado lacagta oo ka badata intii suuqa looga baahnaa.

Siyaabaha kala duwan ee sicir bararku yimaado:

  1. Lacagta oo ka badata intii suuqa looga baah naa( wuxu saameeya qofkasta)
  2. Kharashka wax soo saarka oo kordha (wuxu ku koobnaadaa shayga markaa xaraashka lagu soo saaraya ee kordhay)
  3. Adeega ama waxyaabaha la iibanayo oo suuqa ku yaraata(wuxu ku koobnaada ashyaada markaa ku yaraatey suuqa)

Hadaba sadexdaa sababood ee ย kor ku ย xusan midna ma dhicin hadana waxa la leeyahay waxa jira sicr barar wadankeenii!!

Wadamada lacagta kaliya laga isticmaalo sicir bararku sadexdaa sababood uun buu ku iman karaa, sida loola dagaalamaana waxay ku xidhantahay hadba sababta sicir bararka keentay.

  1. Lacagta oo ka badata intii suuqa looga baahnaa

Markan baanka dhexe ee dawladuย  waxa uuย  sameeyaa lacagta ayey suuqa kala baxaan isaga ย oo adeegsanaya in ay dadka lacagta ka amaahdaan dadkiina waxay siiyaan cadayn qaan sheeg ah. Markaa baanku lacagtaasi gacantiisa ย gasho dadkana waxaa gacantooda gala warqada qaansheegta ah.

  1. Kan labaad haduu dhaco dawladu waxay ganacsatada u samaysaa cashuur dhaaf markaa kharashka wax soo saarka ayaa yaraadaa dabadeedna qiimaha wax lagu iibiyaana hoos ayuu u dhacaa.
  2. Kan sadexaad marka la joogo nidaamka raasa maaliga ah way inay dawladu keentaa ashyaada ama adeegyada qaaliyooba markaa suuqa laga heli karaa in u dhiganta inta dadku u baahnaayeen inay iibsadan.

Hadaba sida aynu kor ku soo xusnay waa sidaa caadiga ah ee uu u dhaco sicirbarar iyo sida loola tacaalo marka wadanku uu leeyahay hal lacag.

Maxaa keenayย  sixirbaraka Somaliland ย hadย  ka jira ย oo ah wadamada isticmaala laba lacagood ama in ka badan: Somaliland shilling,Itoobiyan Birr iyo US dollar?

Sicir bararkani waxa uu ka yimiday lacagta Somaliland shillingiga ah oo qiimaheedii hoos u dhacay marka loo eego dollarka.

Hadaba sicir bararka noocan ihi side buu u saamaynayaa dadka?

Horta saamayn kuma leh qofka dollarka ku hela misharkiisa, qofka lacag dollar ah dibada looga soo diro, laakin waxa uu saamayn toos ah ku yeelanayaa dadka haysta ee isticmaala Somaliland shilling ka oo ah dadka inta u badan.

Side loola tacaalaa sixibararka noocan ah?

Xal dhaw

In ย dawladu ay suuqa dollar ku sii dayso soona xereeyaan Somaliland shilling keeda ilaaย  inta aan gaadhaynayo inta aan rabno inaan gaadhsiino qiimaha lacagta Somaliland shilling ka ah, tusaale ahaan 7000 shilling/ dollar kiiba.

Hadaba su`aasha ugu adag ee meesha taala waxa weeyi , side bay dawladu u soo xerayn kartaa Somaliland shillingka dollarkana suuqa ugu siidayn karta ?

Kaw, dawladu haday haysan lahayd dollar kaash ah si fudud bay suuqa sarifka u saamayn lahayd ooy qiimaha shillingkana kor ugu qaadi lahayd

Laakin taas wayย  samayn kari wayday halkaa waxa ka cad inaanay haysan dollar ku filan oo ay kula dagaalanto hoos u dhaca shillingkeeda,ama aanay fahamsanayn arintaas.

Xalka dheer

  1. in la hawl galiyo baanka dhexe ee dawalda
  2. in dawladu mar walba ay haysato lacag dollar ah oo ku filan
  3. in la xoojiyo isticmaalka shilling ka Somaliland.
  4. in lacagaha dibada ka yimaadaa ku yimaadaan dollar waraaq ah
  5. In la sameeyo shuruuc iyo qorshayaal keenaya inay hirgalaan ujeedoyinka dawladu.
  6. In shuruuc adag loo sameeyo sarifka iyo lacagta electarooniga ah ee aan isticmaalno
  7. In dawladu ay goyso qiimaha lacagteeda.

Ugu danbayn halkan Waxaan ku sheegaynaa dhaliisha dawlada ee ah inaanay waxba ka qaban Karin sarifka labada lacagood ee shilling ka iyo dollarka

  1. Dawladu waxay gabi ahaanba maamuli kari wayday shilling keeda iyo dollarka dhexyaala suuqyadeeda
  2. Dawladu ma taqaano xadiga lacagta ah ee dhex wareegaysa suuqyadeeda
  3. Dawladu hada iyo jeer diyaar uma aha inay wax ka qabato cida saamaynta dadban ku leh suuqa lacagaha oo ah shirkadaha waawayn.
  4. Dawladu umay kuu rgalin samaynta sharciyada iyo qorshayaasha lagu maamulo maaliyada,sarifka, iyo sicir bararka.

 

Waxa Qoray: Maxamuud Faarax Warsame

Bareย  Sare Jaamacada Camuud faculty of political science and economics