Maxkamadda Sare ee Dastuuriga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland oo maanta ansixisay natiijada ururrada iyo Axsaabta Qaranka JSL.

Maxkamadda Sare ee Dastuuriga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sabtida maanta fadhi ay yeelatay, ku ansixisay natiijadii doorashada Ururrada iyo Axsaabta Qaranka, taasi oo ay hore Guddida Doorashooyinka Qaranku ugu dhawaaqeen natiijada hordhaca ah 19-kii bishan aynu ku jirno.

Maxkamadda Dastuuriga ah oo ka kooban Guddida Garsoorka ee kala ah

1. Aadam Xaaji Cali Axmed………..Guddoomiye

2. Maxamed Cumar Geelle……………………Xubin

3. Cabdiqaadir Axmed Maxamuud………Xubin

4. Axmed Diiriye Qaalib……………………….Xubin

5. Maxamed Faarax Siciid……………………Xubin

6. Cabdiraxmaan Xuseen Caynaan……….Xubin

7. Cali-shucayb Sh. Ibraahin Nuur…………Xubin

8.Yaxye Cali Idiris…………………………………Xubin

9. Cabdilaahi Cabdi Aadam…………………..Xubin

10. Cabdiraxmaan Xasan Nuur………………Xubin

Oo ay kaalinayso Sahra Ismaaciil Cabdilaahi ayaa qaraarisay in tartankii doorashada Ururrada iyo Axsaabta Qaranka ay ku guulaysteen labada Xisbi ee Waddani iyo Kulmiye iyo Ururka Kaah, oo ay mutaysteen in la siiyo shahaadadda Xisbinimo, kadib markii ay u cadaatay in aanay jirin wax cabasho ah oo ku saabsan natiijada hordhaca ah ee Guddidu Doorashooyinku usoo gudbisay isla markaana hubisay xisaab ahaan iyo sharci ahaan qoraalada raad-raaca ah ee xafiiska dhexe ee Guddida Doorashooyinka Qaranka iyo natiijada ku meel-gaadhka ah ee ay ku dhawaaqeen.

Wa bilaahi tawfiiq.

Bandhige@gmail.com