Dawladda Mexico ayaa waxay cambaaraysay hannaan cusub oo uu soo saaray Maraykanku kaas oo lagu musaafurinayo dadka aan sharciga haysanin ee soo galootiga ah.
Qorshaha uu soo bandhigay maamulka Trump Arbacadii ayaa lagu mustaafurin karaa qof kaste oo si sharci darro ah ku jooga dalkaas.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Mexico Luis Videgaray ayaa sheegay in dalkiisu uusan aqbali doonin go’aan kaste oo dawlad kale iskeed u qaadato.
Murankan ayaa yimid iyadoo labo sarkaal oo sarsare oo Maraykan ah ay qorshaynayaan in ay booqdaan Mexixo.
Aqalka Cad ee looga rrimiyo dalka Maraykanka ayaa sheegay in wasiirka arrimaha dibadda Rex Tillerson iyo wasiirka amniga gudaha John Kelly ay saraakiisha Maksiko kala hadli doonaan ayna ka wada shaqayn doonaan sidii loo dhaqan gelin lahaa shuruucda cusub ee laanta socdaalka.
Waxaa ka mid ah qorsheyaal lagu dhaqan gelinayo sharciyo haddda jira oo la xiriira arrimaha socdaalka Maraykanka iyo jinsiyadda kaas oo xukuumadda u ogolaanaya in ay Mexico u mastaafuriso dadka soo galootiga ah iyadoo aan la fiirinaynin meesha ay ka yimaadeen asal ahaan.
Ma cadda in Maraykanku uu awoodo in uu dawladda Mexico ku qasbo in ay aqbalaan ajaaniib.
Laakiin Videgaray ayaa sheegay Arbacadii in aysan aqbali doonin sababtuna ay tahay in aysan la gudboonayn wax dan ahna aysan ugu jirin arrintaas.