MilatarigaTurkiga oo galay Ciraaq

Muddo laga joogo afar sanno ayaa milatariga Turkiga waxay lug ku galeen waqooyiga Ciraaq oo ay ka fulinayaan hawlgalo ay raad goobayaan kooxaha Kurdiyiinta ee PKK. Mar kale ayay haddana ka gudbeen xuduudda Turkiga una gudbeen Ciraaq.

Turkiga ayaa ku eedeeyey kooxdan in ay ka dambeeyeen weeraro bambooyin waddada dhinaceed la dhigay oo ay ku dhinteen 16 ka mid ah milatariga iyo 14 boolis ahi.

Saraakiisha milatariga Turkiga ayaan wali wax faahfaahin ah ka bixin hawlgalkoodan oo ay ku baacsanayaan saraakiil ka tirsan xisbiga PKK.

Dagaalka u dhexeeya jabhadda PKK iyo Turkiga oo ay ku dhinteen ku dhowaad 40 kun oo qof ayaa bilaabmay sannadkii 1984kii.

bandhige@gmail.com