“Garsoorka doodi ugama furna arrinta Haamaha Kaydka Shidaalka” Guddoomiyaha Maxkamada Sare

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Garsoore Aadan Xaaji Cali ayaa waxa uu shaaca ka qaaday dib-u-habayn lagu samayn doono nidaamka Garsoorka Somaliland, si ay u suurtogasho in laga gar naqo dacwadaha is dul hoganaya ee buux dhaafiyey Maxkamadaha.

Waxaana uu Guddoomiyuhu xusay in ay diyaar u yihiin inay la dagaalamaan oo ay meesha ka saaraan musuqmaasuqa, eexda, qabyaalada, cadaalad darada iyo wixii la halmaala oo dhan.

Dhanka kale waxa uu Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ka hadlay khilaafka ku saabsan laalista heshiiska ay xukuumadu ku doonayso in ay ku wareejiso haamaha keydka shidaalka ee Berbera, arrintaasi oo ay isku maan dhaafsan yihiin, Gollaha wakiilada iyo xukuumaddu.

Waxaanu sheegay in aanay wax dacwada ah oo ku saabsan arrintaasi oo wax lagaga waydiiyey oo la soo gaadhsiin Maxkamadda Sare aanay jirin, hase ahaatee arrintaasi aanay u baahnayn dacwad, ee ay ku fiican tahay in wada hadal lagu dhameeyo oo lagu xaliyo, maadaama oo uu heshiiskaasi uu ka dhex muuqdo xafiiltan siyaasadeed oo la isku celceliyey labbada dhinac, waxaanu yidhi gudoomiyaha oo arintaasi ka hadlayaa

’’ Ayaamahan oo dhan waan la socday in ay Xeer-dejinta iyo Fullintu isku cel-celinayeen taasi oo u muuqatay in uu ka dhex muuqdo xafiiltan siyaasadeen, gaar ahaan Xeer-dejintu waa laba jambar markaa Golaha Wakiillada, kumay jirin Guurtidu. Annagu ma dalbanno waxa naloo keenayo waxa noo yimaada ayuun-baannu eegnaa, sidaan fahamsan ahay waxa la isku cel-celinayaa waa qaabka ay u wada shaqeeyaan, kaasinna iyaga ayuu khuseeyaa, waana in wadda hadal iyo Distoorka dalka loo noqdaa, way xallin karaan, maxkamad-na waxba loogama baahna.”

Sidoo kale Gudoomiyaha Maxkamada sare ee Somaliland Prof. Aadan Xaaji Cali waxaa uu faahfaahin ka bixiyey muhiimadii iyo u jeedadii ka dambeysay ee ay uga dan lahaayeen isku shaandhayntii balaadhnayd ee ay dhawaan ku sameeyeen bahda Garsoorka Somaliland, Kuwaasi oo isku badal, xilka qaadis, iyo magaacabis ay ku sameeyeen bahda Garsoorayaal.

Waxaanu tilmaamay in ay uga dan lahaayeen isku shaandhayntaa iyo hagaajinta hanaanka Garsoorka, waliba cadaalada ka hana qaado dalka.

Tan iyo intii uu loo magacaabay Guddoomiyaha Aadan Cali ayaa waxa isa soo tarayey kalsoonida xisbiyada mucaaridka iyo dadweynuhuba ku qabaan Maxkamaddaha oo dhawaanna ka gar naqday laba dhacdo oo mid ahayd murankii siyaasadeed ee u dhexeeyey xisbiyada mucaaridka iyo xukuumadda iyo amar ay dawladdu kaga xayirtay xisbiyada mucaaridka in aany wax shirar ah ku qabsan karin Hudheelada.

 

bandhige@gmail.com