Qalalaase ka bilaabmay dalka Turkiga

Boqolaal qof oo gadoodsan oo sita calanka Turkiga ayaa waxay weerar ku qaadeen xarunta xisbiga HDP ee ay taageeraan kurdiyiintu oo ay dab qabadsiiyeen.

Xisbiga ayaa sheegay in dhawr xarumood oo ay leeyihiin la weerar, ha ugu khasaare weynaato xarunta xaasimada ku taalaaye.

Sidoo kalen xarunta wargeysa Xuriyaat ayaa markii labaad la weeraray todobaadkan.

Qalalaasahan ka bilaabmay Turkiga ayaa waxa uu daba socdaa isku dhacyo dhex maray ciidamada amniga iyo dhaqdhaqaaqyada Kurdiyiinta ee la mamnuucay.

Raysal Wasaare Ahmet Davutoglu oo ka hadlay dhaqdhaqaaqyadan waxa uu cambaareeyey cid wada dhaqdhaqaaqyadan, wuxuuna ugu baaqay in ay isdejiyaan oo xasiloonida ilaaliyaan.

Weerar kooxo Kurdiyiintu ku qaadeen ciimada Turkigana ayaa waxa ku dhintay ugu yaraan 14 askari.

bandhige@gmail.com