Nayjeeriya: Cudurka dabeysha ayaa lagu arkay Gobolka Borno

Dalka Nayjeeriya ayaa waxa cudurka dabeysha lagu arkay gobolka Borno, taasi oo abuurtay walaac weyn oo laga yaabo in uu cudurku wali ka jiro qaadarada Afrika.

Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sheegaysa in dawladda Nayjeeriya ay ogaatay labo caruur ah oo uu curyaamiyay cudurkan, gaar ahaanna gobolka Borno.

Gobolkaasi ayaa waxa saameyey dagaalka ay waddo kooxda Boko Xaaram.

Wasaaradda caafimaadka ee Nayjeeriya waxay sheegtay in ay howlgelisay laanta qaran ee hortagga xaaladaha deg dega, arrintaa oo la doonayo in cudurka dabeysha looga tallaalo halka milyan oo carruurta ah oo ku nool gobolkaasi uu cudurkani aafeeyay.

Ololahaasi ayaa waxa sidoo kale lagu tallaali doonaa afar milyan oo kale oo carruur ah oo ku nool gobolada deriska la ah gobolkaasi.

Wasaaradda ayaa waxa ay shaacisay kiisas cosub oo ah cudurkaasi xilli qaaradda Afrika laga xusayay sannad guuradii labaad ee ka soo wareegtay markii ugu dambeysay ee cudurkaasi lagu arkay qaaradda.

Hay’adda caafimaadka aduunka ee WHO ayaa sheegtay in warka ku saabsan kiisaskan cusub ee cudurkan ee lagu arkay Nayjeeriya uu yahay war laga naxo.

Sidoo kale mashruuca caalamiga ah ee dabar-goynta cudurka dabeysha ayaa ku tilmaamay arrintan mid niyad jab ah.

Qaaradda Afrika ayaa rajeynaysay in muddo 12 bilood guddahood ah lagu cidhib tiro cudurkan oo curyaamiyay carruur tiro badan isla markaana qaar kalena ay u dhinteen.

bandhige@gmail.om