Xubno ka tirsna Jamhuuriga ayaa waxay ku baaqeen in aan la maal-gelin ololaha ol’olaha Trump

In ka badan 70 xubnoood oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa waxay saxeexeen waraaq ay kaga dalbanayaan guddiga sare ee xisbigaas in la joojiyo maalgelinta ololaha Donald Trump.

Joojinta maalin-gelinta Trump ayaa waxay ku sababeeyeen in ay siyaasadiisu kala qaybinta bulshada Maraykanka iyo in uuna u qalmin booskan oo xisbiga Jamhuuriguna ka quusto qabashada Madaxtinamada Maraykanka ka hor inta aan la gaadhin wakhtiga doorashada Madaxweynaha oo ku beegan bisha kow iyo tobnaad ee sannadkan.

Warqadaas waxaa lagu sheegay in xisbigu diiradda saaro difaacidda murashaxiinta aan cagaha adag ku taagnayn ee Senet-ka iyo baarlamaanka.

Qaar ka mid xubinihii hore ee Congress-ka ayaa ku jira dadka saxeexayaasha  waraaqdaas.

Warqaddu waxay intaas ku dartay in go’aankaasi uusan noqonaynin mid adag maadaama oo ay hoos u sii dhacayso fursadda uu Trump madaxwayne ku noqon karo.

Trump oo arrintaas ka jawaabayana wuxuu sheegay in uusan wax walaac ah ka qabin in xisbigu uu gooyo ama takooro.

bandhige@gmail.com