Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa maanta codka diidmada qayaxan ee Veto u adeegsan doona sharci u ogolaanaya dadkii ka badbaaday iyo ehellada dadkii ku dhintay weerarkii Sibtam 11 in ay maxkamad la galaan dawladda Sacuudiga.
Obama ayaa sheegay in sharcigan uu keeni doono in dadka Maraykanka ah ee dibedda ku nool ay galaan halis sharci.
Mar uu ka hadlayey arrintaa Afhayeenka Aqalka Cad John Earnest, waxaanu yidhi:
“Waxaan aaminsannahay in sharcigan uu yahay mid xun.”
Congress-ka Maraykanka ayaa la filayaa in uu isku dayo in uu baa bi’iyo diidmada Madaxweynaha, taasi oo u baahan in saddex meelood laba meel ay sharci dejiyayaasha u codeeyaan.
Xukuumadda Sacuudi ayaa beenisay in ay wax lug ah ku lahayn weeraradii argagixiso ee dhacay Simbar 11, 2011-kii.
Arrintan ayaa waxay wax u dhimaysaa xidhiidhka Maraykanka iyo Sacuudiga kaasi oo dhaawici kara arrimo badan oo ka dhaxeeya.