Wuxuu Abwaan Cali Dhuux Aadan ayaa waxa laga hayaa:
Hadalka layskama dhaho iyo wayga soo dhacaye,
Asagoo dhagaxyo waa-wayn ka culus waan dhugsiin jiriye.
Alaylahi Duqa Magaalada Burco, Maayar Muraad, hadal dhagaxyo waa-wayn ka culus ayuu dhawaan dhugsiiyay, markii uu ku tiraabay in haddii Col Muuse Biixi la doorto Somaliland ku danbayn doonto ‘Mar labaad iyo buuraha. “ Mayor Muraad soomo araaran, manu afeef-dhigan, hadalkuna kamo soo dhicin, balse wuxuu yidhi asagoo xiskiisa iyo maankiisaba qaba oo dhamaystiran. Maayar Muraad wuxuu ka mid ahaa rukumada waawayn ee Kulmiye ku tirsanyahay , siiba Gobolka Togdheer.
Hadalkaa kasoo yeedhay Maayar Muraad, wuxuu tilmaamayaa garaadka siyaasadeed ee bulshada Somaliland oo soo kobcaaya oo kala saaraaya runta iyo huhaada, qabiilka iyo qaranka. Waxay garteen halka ay dantu ku jirto. Waxay arkaan Somaliland oo gashay gudoon siyaasadeed “political isolation” haddii Muuse qabtana uu ku ridi doono god madow “ Black hole“.
Shacabka Somaliland, oo Maayar Muraad ugu horeeyo, waxay kala dooran doonaan Nabad iyo colaad, qalinka iyo qori, diktoor iyo dable, dibloomasi iyo dagaal Ooge.
Mayor Muraad, hadalkiisa si degan ayuu uga fiirsaday, si cadna wuu u yidhi. Laakinse, waxa dhici doonta in uu sidii Wasiir Cukuse ka noqdo hadalkiisa oo yidhaahdo sidaas ummaan jeedin ee waa la majar-habaabiyay . Bal aan eegno Maayar Muraad iyo berito.
Qalinka : Drs Hoodo Yuusuf , Uk, London.
yhoodo@yahoo.com