Madaxweynaha Maraykanka Barak Xuseen Obaama ayaa si aad u qaab daran oo xaqiraad iyo bah dil ah loogu soo dhaweeyey shirka ay ku leeyihiin wadamada G 20 la yidhaahdo, sida ay faafisay shabakada wararka ee skynews waxaa ugu horayn madaxweynaha arkii uu diyaarada ka soo dagaayey loo diiday in loo dhigo ama loo diyaariyo salaamka dayuurada lagaga soo dago ka dib markii ay caga dhigatay diyaaradii air force one ee madaxweyanah Maraykanka qaada.
waxaanay taasi ku kaliftay in uu albaab xaga danbe ku yaala oo loo adeegsadao arimaha deg dega ah ( emergence), waxaa hadana taas ku xigtay in aan loo dhigin rooga cas ee loo dhigo madaxda marka ay dal booqanayaan, taasian waxa ay keentay in siyaasiin Maraykan ah iyo kuwo Shiinays ah isku dhacaan oo ay is caayaan aynakuwa Shiinayska ah ku ydhaahdaan kuwa Maraykanka ah waa dalkayagii halkani sidaan doonaan yeelaynaa.
Waxa ay tidhi Zusana Rice oo ah la tilaha amniga ee madaxweynaha Maraykanka waa arin la yaab leh oo aanaan ku talo galin.
waxaa xusid mudan in madaxda kale ee halkaas tagtay ama shirka ka qayb gashay dhamaan loo soo dhaweeyey si xushmad iyo Borotokoolada caalamiga ah waafaqsan sida ay ay sheegtay shabakadasi
Xasan Ciise