Waxa baryahan danbe aad inoogu soo noqnoqotay dood u dhexaysa Xukuumadda Soomaalilaand iyo dad wada daggan lix goobood oo ka tirsan dagmada Lughaya ee Gobolka Awdal. Inkasta oo ay doodani mar hore bilaabantahay haddana marka waxa aad moodaa in ay ka duwantahay kuwii hore, waana taa ta keentay shikiga badan.
Xukuumaddu waxa ay ku doodaysaa in aan dadkan xaqooda la duudsin karin sidaa darteed gar iyo gar-daroba ay tahay in la duuwaaan galiyo dadka halkaa dagan. Halka dadka deegaanku, oo runtii cidwalba lihi, ay ku doodayaan in ay is-diiwaan-galiyeen kadib markii ay isla xukuumaddu amartay in ay iska-diiwaan-galiyaan goobaha u dhow. Si ay taasi u suurto-gasho waxa la kireeyeey gawaadhi, dhibkasta oo soo gaadhayna dadkaasi waa ay is-duuwaan galiyeen sida ay cadeeyeen. Markaa waxa is-waydiin leh:
- Halka ay mareen Gudidii doorashooyinka oo aan iyagu dooda baryahaaba socotay ka muuqan iyo waliba sobobta ay kaalintoodii xukuumaddu u qaadatay.
- Dadka daggan lixdan goobood 13 Sanno oo la soo dhaafay ayay xuquudooda sillic ku gudanayeen ee maxaa maanta cusub. Ta kale, haddii xukuumaddu sida ay sheegayso ay dadka xuquuq u raadinayso, maxay ugu raadin wayday xuquuqdooda oo dhan ee keenay madaxwayne uun doorta? miyaanay xaq u lahayn in ay doortaan baarlamaan iyo gole-deegaan oo dadkaa uga mudan in ay doortaan madaxwayne.
- Ta ugu muhiimsan, dawladu maanta ma waxa ay dadka ku kala saari kari wayday sharciga qoran ee meel walba yaala waa 1960 sidii ay kala ahaayeen dagmooyinka Soomaalilaand. Ilama aha ee waa ogaan u garab mar.
Seddexdaa qodob oo is-wataa waxa ay keeneen mugdiga sida ula kaca ah loo galiyay dagmooyinka lixda ah ee ka tirsan dagmada Lughaya.
Maxamed Askar, Sabtember, 2016