Raad-raaca-Taariikheed ee Warbaahinta Somaliland (WQ: Cali Cabdi Coomay)

Idaacadaha: Radhyow Hargaysa

Idaacadda Radhyow Hargays, oo magaceedii hore ahaa Radhyow KUDU. Erayga KUDU waa goodirka. Waxay ahayd idaacaddii ugu horaysay ee af-soomali ku hadasha adduunka. Sannadkii 1941-kii ayaa la bilaabay tijaabadii ugu horaysay. Waxay socotay tijaabadaasi ilaa 1942-kii. Waxa idaacada si toos u maamulayey dawlada ingiriiska oo wakhtigan ka talinaysay Somaliland. Sannadkii 1944-kii ayaa laga bedelay magacii Radhyow KUDU, waxaana laga dhigay Radhyow Hargaysa. Ninkii ugu horeeyey ee ka hadla idaacada Radhyow Hagaysa wuxuu ahaa Xaaji Cabdi Ayuub, waxaanu markii dambe noqday ninkii ugu ee ka hadla idaacadda BBC laanta af-soomaaliga, oo sannadkii 1957-kii. Wakhtigan oo ahayd markii la aas-aasay idaacadda BBC Somali.

Bilaabidii Laanta Af-Soomaaliga Ee BBC-da.

18/7/1957-kii ayaa ahayd markii la furay BBC-da, ka dib waxa ay codsi rasmi ah u soo qoratay Radhyow Hargaysa oo ka daโ€™weynayd lana furay sannadkii 1941-kii, iyada oo ka dalbanaysay laba xubnood oo muusiga ah oo ay furitaan uga dhigto idaacada BBC-da. Idaacada BBC-da laanta Af-Soomaaliga wax hal-mar la wada furay laba laamood oo kala ahaa, Laanta ku hadasha Afka Hause oo dalka Naygeeriya lagaga hadlo iyoย  laanta ku hadasha Afka Sawaaxiliga oo Bariga Afrika lagaga hadlo. Sababtii loo furay Idaacadda BBC-da laanta Af-soomaaligu waxa ay ahayd sidii looga hortegi lahaa Idaacad gumeysi-diid ahayd oo ka furnayd dalka Masar gaar ahaan Qaahira, oo magaceeda la odhan jiray โ€œ Sowtul-carab minal Qaahiraโ€, oo dadkuna aad u dhegaysan jiray.

Beryahaasi Afka Carabiga ayaa aad loo yaqaannay oo wargaysyada toddobaadlaha ahaa ee Soomaalilaan ka soo bixi jiray wuxuu ku soo bixi jiray Afka Carabiga. Idaacaddaa Qaahir ka soo hadli jiray waxa ay saamayn la yaab leh ku lahayd shacabkii Af-soomaaliga ku hadli jiray ee Geeska Afrika ku dhaqanaa ee gobonnimo-doonka ahaa. Markii dambena Af-soomaali ayaa lagu daray baahintii Idaacadda sannadkii 1954-kii. AHN Cabdilaahi-Qarshe oo waraysi siiyey Tilifiishanka Jabuuti sannadkii 1993-kii, ayaa ka waramay muusiga furitaanka idaacadda BBC-da laanta Afsoomaaliga, wuxuu sheegay in loo diray โ€œ Socodkii Arraweeloโ€ oo Cabdilaahi-qarshe lahaa iyo muusigaโ€ Baar-caddeโ€ oo uu garaacayey Maxamed Siciid Faarax oo la odhan jiray โ€œ Guโ€™-Roon-Jireโ€.

Halkuu Ka Yimid Muusiga ay ku soo gasho Idaacadda laanta Afsoomaaliga ee BBC-du?

Cabdilaahi-Qarshe AHN oo ahaa Abwaan reer Soomaalilaan ah, ย oo alifay heestan ay idaacada BBC-du furitaankeeda ku bilowdo, oo uu uga waramayey Cabdilaahi-qarshe Tilifiishanka Jabuutu ayuu ku yidhiโ€ aad baan u jeclahay in aan fikraddaa dadka gaadhsiiyo. Markii BBC-da la samaynayey sannadkii 1957-kii waxaan anigu ka shaqaynayey Radhyow Hargaysa. Waxa aan ahaa Weriye idaacada ka tirsan (Broadcaster), heesaa iyo weliba Muusig tume (Musician). Markaa waxa ay BBC-du na soo weydiisatay in aanu u soo samayno codad ay idaacadda iyo barnaamijyada ku furan. Markaa kolley shucuur waddaninnimana waa ay ku jirtay, markaa heestaa oo midho lahayd ayaan u geeyey. Markaa haddaan midhihii raaciyo ma ay qaateen, sidaa darteed ayaan ugu bixiyey codkan oo magaciisu ahaa โ€œ Socodkii Arraweeloโ€, oo odhanaysa sida tan:

โ€œDadkaan dhawaaqayaa,

Dhulkooda Doonayaa,

Hadday U dhiidhiyeen.

Allahayow U Dhiib.โ€

  • Idaacadda Radhyow Halgan waxay SNM la wareegtay sannadkii 1982-kii ilaa 1991-kii, ayaa ahayd idaacaddii ay isticmaali jireen jabhadii SNM oo dagaal kula jirtay dawladii Maxโ€™ed Siyaad Barre. Magacii hore ee idaacaddan la odhan jiray ayaa ahayd Radhyow Kulmis, waana markay isticmaali jireen jabhadii SSDF.
  • Madbacadii ugu horaysay ee la keeno dalka waxay la odhan jiray Horseed Printing Press. Sannadkii 1952-kii ayaa dalka la keenay. Hawladeenadii Mad-bacadan ayaa ahaa, Ahmed Jimcaale, Ibraahin Guleed iyo C/laahi ismaciil.
  • Idaacadaha FM-ka ee Qurโ€™aanka, ee Hargaysa, Burco iyo Boorama oo hoos yimaada Idaacada Hargaysa ayaa dhawaan hawada soo galay.ย 

Wargaysyadii 1949-kii ilaa 1960-kii

  • Wargayskii ugu horeeyey ee ka soo baxa waxa la odhan jiray AL-UMMA, oo micnaheedu yahay ummaadda. Waxaanu soo baxay sannadkii 1949-kii. Wuxuu ka soo bixi jiray wiigii hal-mar. luuqada af-carabiga ayuu ku soo bixi jiray. Waxa lagu diyaarin jiray Hargaysa,waxaan lagu soo daabici jiray dalka Yaman. Waxa soo saari jiray Cali Maygaag Samatar iyo Jaamac Jibriil Rooble
  • Wargayskii labaad waxa la odhan jiray AL-SOMAL ,wuxuu soo baxay sannadkii 1951-kii. Wuxuu ku soo bixi jiray af-carabi. Waxa soo saari jiray Maxamuud Jaamac Uurdoox.
  • Wargayskii saddexaad waxa la odhan jiray AL-LIWA wuxuu soo baxay sannadkii 1958-kii. Micnaha Al-Liwa waa calanka.wuxuu ku soo bixi jiray af-carabi. Waxa soo saari jiray Ahmed Yuusuf Ducaale.
  • Wargayskii afraad waxa la odhan jiray QARNI-IFRIIQIYA, wuxuu soo baxay sannadkii 1958-kiiย  badhtamahiisii. Macnaha wargayska ayaa ahaa Geeska Afrika. Wuxuu ku soo bixi jiray af-carabi.waxa soo saari jiray Cumar Maxamed C/rahmaan(Cumar dheere).
  • Wargayskii shanaad waxa la odhan jiray AL-SARAAXA, oo micnaheedu yahay runta. Wuxuu soo baxay sannadkii 1959-kii. Sida kuwii hore ayuu af-carabi ku soo saari jiray. Waxa soo saari jiray C/casiis Xaaji Ismaaciil (Dakharre)
  • Wargayskii lixaad waxa la odhan jiray Somalilandnews, oo micnaheedu yahay warkii Somaliland. Wuxuu ku soo bixi jiray af-ingiriisi. Waxa soo saari jiray C/rixiin Caabbi Faarax.

La soo noqoshadii Soomaalilaan 1991

Wargaysyadii 1991-kii ilaa 2016-ka

  • Wargaysyadaย  soo baxay waxa ka mid ahaa CODKA HARGAYSA, waxana soo saari jiray C/rahmaan Yuusufย  Cartan, Cumar Jaamac, C/laahi Jaamac Maxamed iyo Cawad Saalax.
  • Wargayska XORRIYO ayaa ka mid ahaa wargays-yada soo baxay. Waxa soo saar jiray C/laahi Adan Cumar (Wayab).
  • Wargayska Jamhuuriya ayaa ka mid ahaa wargays-yada soo baxay wakhtigan, waxa soo saari jiray Faysal Cali Sheekh iyo Xasan Siciid.
  • Wargayska Maandeeq oo imika la yidhaa Dawan ayaa soo baxa ka dib waxaana soo saari jiray Maxamed Cabdi Ismaaciil (Diktoorka), Axmed Ciro iyo Faysal C/laahi Cabdalle. Waana 1998-kii

Wixii intaasi ka dambeeyey waxa soo baxay wargaysyo badan oo ay ka mid yihiin:

  • Wargayska Haatuf oo soo baxay sannadkii 2001-dii
  • Wargayska Ogaal oo soo baxay sannadkii 2005-tii
  • Wargayska Geeska Afrika oo soo baxay sannadkii 2006-dii
  • Wargayska SaxanSaxo oo soo baxay sannadkii 2007-dii
  • Wargayska Waaheen oo soo baxay sannadkii 2008-dii
  • Wargayska Yool oo soo baxay sannadkii 2008-dii
  • Wargayska Saxafi oo soo baxay sannadkii 2009-kii
  • Wargayska Foorre oo soo baxay sannadkii 2011-kii
  • Wargayska Hubaal oo baxay sannadkii 2012-kii
  • Wargayska Somaliland today oo soo baxay sannadkii 2012-kii
  • Wargayska Himilo oo soo baxay sannadkii 2013-ka
  • Wargayska Sahan oo soo baxay sannadkii 2015-kii
  • Wargayks Warsugan oo soo baxay sannadkan 2016-ka

Tilifiishanada ( Muuq-baahiye) 1991-kii ilaa 2013-ka

  • Tilifiishankii la odhan jiray Somaliland T.V oo markii dambe loo beddelay Hargaysa T.V imikana la yidhaa Somaliland Space Channel ayaa ahaa kii ugu horeeyey ee ka soo baxa Somaliland. Sannadkii 1997-kii ayuu hawada soo galay.
  • Tilifiishanka Somaliland Nationalย  Television ayaa ahaa kii labaad waxaanu hawada soo galay sannadkii 2005-tii
  • Tilifiishanka Horn Cable T.V ayaa ahaa kii saddexaad waxaanuย  hawada soo galay sannadkii 2006-dii
  • Tilifiishanka Bulsho T.V ayaa ahaa kii afraad waxaanu hawada soo galay sannadkii 2008-dii.

Wakaalada Wararka:

  • Wakaalada Wararka ee SOLNA ayaa ahayd wakaaladii Kowaad, waxaana la aas-aasay sannadkii 2007-dii.

Internet

  • Internet-kii ugu horeeyey waxa hirgalisay shirkadii la odhan jiray EROLITE sannadkii 2000, ayey ka bilaabeen Hargaysa iyo Boorama.
  • Shirkadii labaad waxay ahayd Barkaat oo sannadkii 2001-dii bilowday adeega Internet-ka

Shabakadaha wararka (Websites)

  • Hadhwanaagnews waxa la aas-aasay sannadkii 2000
  • Gebilaynews waxa la aas-aasay sannadkii 2004-tii
  • Oodweynenews waxa la aas-aasay sannadkii 2007-dii
  • Ramaasnews waxa la aas-aasay sannadkii 2008-dii
  • Halbeegnews waxa la aas-aasay sannadkii 2008-dii

F.G. shabakadaha warark Somaliland way tira-bateen, markaa kuwuu ugu waaweynaa ayaan soo qaatay.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@hotmail.com

Tix-Raac:

Protectorate office for mediaโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆ.unpublished Paper

Sayid Maxamed Yuusuf โ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆSooyaalka Somaliland 26 june ka hor

Boobe Yuusuf Ducaaleโ€ฆโ€ฆโ€ฆ. Dhaxal-Reeb, labaad

Yuusuf Geelle Waaberiโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆ.Goob-jooge..1955 ilaa imika