Obama waxa uu ka hadlay dadkii ka dambeeyey afgambigii Turkiga, balse kamuu hadlin wadaadka Turkigu eedeeyeen in uu ka dambeeyey

Madaxweynaha dalka Maraykanka Barack Obama ayaa sheegay in cadaaladda la horkeeni doono dadka masuulka ka ahaa afgembigii fashilmay ee Turkiga.

Waxa uu hadalkaasi ka jeediyay kullan uu si gaar ah ula yeeshay madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan.

Labadan masuul waxa ay kawada qeybgalayaan shirka dalalka dhaqaalaha ku hormaray ee G-20 ee ka socda Hangzhou.

Turkiga wuxuu wadaadka deggan Maraykanka ee Fatxullah Gulen ku eedeeyay in uu ka dambeeyay afgembigaasi dhecisoobay bishii July ee sannadkan.

Dawladda Turkiga waxay dalbaneysaa in wadaadkaasi loo gacan geliyo, laakiin, Obama kamuusan hadlin arrintaasi ah in wadaadka lagu wareejiyo Turkiga.

Fatxullah Gulen wuu beeniyay in uu ku lug lahaa afgembiga fashilmay.

Madaxweynayaasha Maraykanka iyo Turkiga waxay sidoo kale kawada hadleen xaaladda Suuriya.

bandhige@gmail.com