Qaramada Midoobey oo ciidamo u direysa Burundi

Qaraar ay soo gudbisay dawladda Faransiiska ayaa waxay ugu baaqeen Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-Moon, in uu dajiyo qorshe ciidamo loogu dirayo Burundi oo qalalaase siyaasadeed ka aloosan yihiin, inkastoo qaraarkan lagu sheegay in laga helo dawladda Burundi ogolaansho.

Qalalaasaha Burundi oo bilaabmay bishii Abril ee sannadkii hore ayaa sannad jirsaday, kadib markii uu Madaxweyne Pierre Nkurunziza uu u tartamay kuna guulaystay xilka markiisii saddexaad, arrintaasi oo mucaaridku ay sheegeen in ay sharci darro aheyd.

Tan iyo markaana in ka badan 400 oo qof ayaa dalkaasi lagu dilay. Waxaana jira walaac laga qabo in qalalaasuhu uu sii kordho oo uu isu badelo colaad qoomiyadeed ku salaysan oo ka dhacda gobolka.

Safiirka Faransiiska u fadhiya Qaramada Midoobay, Francois Delattre ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey u sheegay in goluhu ay tahay in uu guto waajibaadkiisa.

Faransisika ayaa doonaya in Golaha Ammaanka uu si wada-jir ah u fuliyo waajibaadka saaran.

Ban Ki-moonย  ayaa waxa uu dawladda Burundi kala tashan doonaa qorshaha ciidammada la doonayo in la geeyo dalkaasi haseyeeshee Madaxweyne Pierre Nkurunziza, waxa uu horay u qeexay in uu ka soo horjeedo in faragelin ay dalkiisa ku sameeyaan Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrikaba.

Midowga Afrika ayaa meesha ka saaray qorshe uu ciidammo nabad-ilaalin ah ugu diri lahaa waddankaasi.

Bishii koowaad ee sannadka ayaa ย Qaramada Midoobay waxa ay heshay caddeymo sheegaya in ciidammada ammaanka Burundi ay kufsadeen haween xilli ay baadhitaan ka wadeen guryo ay leeyihiin hoggaamiyayaasha mucaaradka oo laga shakiyay, sidoo kalena waxaa la sheegay caddeymo ah in ay jiraan xabaalo-wadareedyo.

bandhige@gmail.com