Wasiirka Waxbarashada waxa uu kulan la qaatay khubarada diyaarinaysa manhajka dugsiyada sare

Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare Cabdilaahi Ibraahim Habbane ayaa kulan la qaatay aqoonyahano diyaarinaya manhajka dugsiyada sare ee dalka.

Kulankan oo ka qabsoomay xarunta manaahijta ayaa waxa ugu horayn ka hadlay Guddoomiyaha manaahijta Somaliland Cabdilaahi Yaasiin Diiriye, kaas oo ka waramay qaabka ay aqoonyahanku u diyaarinayaan manhajka dugsiyada sare ee dalka, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa:

 “Sacaadatu Wasiir Halkan Waxa Fadhiya Afartan (40) aqoon yahan oo ka mid ah aqoon-yahanadda reer Somaliland kuwaas oo ku takhasusay maadooyinka Dugsiyada Sare lagu dhigo. Halkan maanta waxa . u fadhiya maado kasta afar aqoon yahan oo loogu talo galay in ay dejiyaan, qoraan, habeeyaan aqoon kasta oo ku saabsan Dugsiyadda Sare iyaga oo aan gacan ka helayn cid kale. Mudane Wasiir Ardayda Dugsiyadda Sare waxay baahi weyn u qabaan in ay helaan kutub ay wax ka bartaan oo maado kastaba leh, maadooyinka ay aqoon yahanadani hadda dejinayaan waa toban (10) maado, mid kastana waxa masuuliyaddeeda qaadaya afar aqoon yahan oo aqoon dheeraad ah u leh  maadadaa ay diyaarinayaan, waxa kale oo aan doonaynaa in aan mudo aad u kooban ku soo dhammeyno Insha Allah, aqoon yahanadu waxay tixraaci doonaan wixii intarnadka ku jira ee laga qoray iyo wixii buugaag kale ee laga heli karo jaamacadaheena.”

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare ayaa kulankaa hadal dardaaran iyo dhiiri-gelin iskugu jira ka soo jeediyey isaga oo farta ku fiiqay in ay muhiim tahay in la helo dad aqoonyahano ah oo naftooda ku tabaruca qaranka si horumar iyo badhaadhe loo gaadho, wasiir Habbane waxa hadaladiisii ka mid ahaa:

“Halkan waxa la iskugu kiin yeedhay waxa weeye, lodkii u horeeyey ee ka soo baxa dugsiyadda sare ee Somaliland waxay ahaayeen kuwii sanad dugsiyeedkii 1999 —2000, maantana waxaynu ku jirnaa sanad dugsiyeedkii 16-aad, ilaa xilligaa ma jirin buugaag aynu leenahay oo wax looga dhigo ardayda, marka laga reebo waxoogaa buugaag ah oo aan ka heli jirney haayaddaha waxbarashadda ka shaqeeya qaarkood, buugaagtaas oo aan ku filnayn ardayda iyo macalimiinta wax u dhigaysaba, su’aasha aan isweydiiney waxay ahayd ma waxan sugnaa kharash ay inaga caawiyaan haayaduhu mise inagaa isku tashana, Soomaalidu waxay tidhaa; ‘‘Daayeer gacmihiisa ayuu biyo kaga dhargaaye’’, waxan garawsanay in aan inagu diyaarsano oo aan aqoon yahanadeenii iskugu yeedhno, haddaba waxan idiinku dhiirigelinayaa in aad guntiga dhiisha iskaga dhigtaan oo aad dalkiina iyo dadkiina aad wax dhaxal gal ah u soo saartaan. Waxa iyguna socda buugaagtii dugsiyadda hoose dhexe oo iyaguna meel wanaagsan maraya, walaalayaal waxan idinka rejaynayaa in aad mudo kooban ku soo dhamaysaan hawsha aad gacanta ku haysaan si aan sanad dugsiyeedka danbeugu dhino ardayda.”

bandhige@gmail.com