Qiima dhismista Jimcaha ee Telesom iyo aragtida kala duwan ee laga bixiyey  

Shirkada Telesom oo ah shirkaad ugu weyn  ee is gaadhsiinta Somaliland ee bixisa adeegyada telefoonada ee kala duwan, internet iyo zaad kaasi oo ay ahayd shirkadii u horaysay ee bilaabta telefoon in lacag laga dirsado laguna kaydsadu, waxan lagu kala iibsado,  taa soo macaamiisheeda inta badan ay ugu mahad naqaan adeegayada ay qabato ayaa Saddexdii todobaad ee ugu danbaysay waxay shirkada Telesom kuu samaysay qiima dhimis ah telephonada gudaha lagu hadlo, waxaanay qiimo dhimistan ugu tala gashay in maalinta jimcaha ah ay ka faa’idaystaan dhamaan maacmiisheeda jooga wadanka gudihiisa  si ay ugu wada hadlaan in ka yar intii ay ku hadlayeen maal maha kale, waxay qiima dhisimistani ku kooban tahay gudaha wadanka oo kali ah , sidoo kale waxaad ku  hadli kartaa oo fursadaasi jirtaa maalinta jimcaha oo dhan laga bilaabo 6 aroornimo ilaa 6 makhribnimo , qiima dhimsitan waxay ku kooban tahay oo kali ah maalinkaas  waxaanad hadlaysa tusaale ahaan daqiiqadii maal maha kale in ka  hoosaysa intii hore. Sida: marka hore hadii  $1 = 31 daqiiqo  oo  Gudaha ah , maalinta jimcaha ahna waxaad ku hadli kartaa laban laab intii marka hore aad ku hadli jirtay oo ah $ 1= 62 Daqiiqo.

Arintan ayaa dadka qaar ku abuurtay inay u fahmeen fariinta ay shirkadu u dirtay macaamiisheeda  si aan ahayn sidii ay u ugu talo galeen , taasi oo ah qof ka hadii telefoonkiisa lacagi aanay ugu jirin ama uu madhanyahayba inuu hadli karo intuu doono , mana aha sidaas arintu ee wuxu qofku ku hadli karaa lacagtii ugu jirtay telefoonka oo loogu sameyey qiima dhimis maalintaas jimcaha .

Waxay ii sheegeen qaar kamid ah dadka reer Boorama oo aan waydiiyey sida ay u fahmeen farintaas ama xayeysiiskaas  shirkadu sameysey in qofka ismticmaalka telefoonkiisa maalmaha sabtida ilaa khamiista aan wax is badal ah lagu samayn laakiin maalinta jimcaha hadii uu gu jiro $ 0.5 oo uu ku hadli lahaa maalmaha kale 15.5 daqiiqo wuxu maalinta jimcaha ku hadli karaa $ 0.5 kaasi 31 daqiiqo .

Halka ay qaar kalena u fahmeen hadii telefoonka lacagi ku jirto iyo hadii kaleba in qofku siduu doono maalinkaas u hadli karo.

Fariimaha noocan oo kale ah marka la gudbinayo waxa ay u baahan tahay in lagu qoro hadal cad oo murtida loo baahan yahay sheegaya si cid walba u fahmi karto waana in aan wax su’aal ah la isk waydiin arimaha noocan oo kale ah marka horena aad looga fikiraa qaabka loo dhigayo.

Xasan Ciise- Bandhige  Boorama