Barasho horteed ha i nicin (W.Q: Nuur Xaaji Xiiray)

Dadkeena mushkilad baa haysata haddii qof wax sheego iyada oon la eegin ma wax wanaagsanbaa mise waa wax xun, ayaa  markaaba la shaanbadaynayaa, fikirkiisiina daaqada ayaa  laga tuurayaa, ha xumaado ama ha wanaagsanaado eh. laakiin dadka kale ee caalamku way ku dhagaysanayaan markaas ayey miisamayaan waxaad sheegtay.

Nin sheeko iiga sheekeeyay, taas oo waddanka Kanada ka  dhacday, baadari ayaa tareen (train) wacdi ka jeediyey, markii uu dhammeeyay, ayaa nin Soomaali ah  oo tareenka saarnaa ayaa inta uu kacay, isna u  macneeyay suuratul ikhlaas, way dhagaysteen waxay yidhaahdeen ninkan ayuu Illaahiisu wanaagsan yahay, midab umay eegin, waxba umay eegin, laakiin way dhagaysteen markaasay kala xukumeen. Bal dadkeena ka waram, mar alla marka uu hadlo ayaa shaanbad lagu dhufanayaa reer hebel ah ama koox hebel, fikirkiisiina halkaa lagu  xidhayaa, waxaad moodaa dadkeena in qufullo lagu wada xidhay oo  furihiina laga qaatay.

Maalin dhawayd ayaan nin waddaad ah, Sheekh uga sheekeeyay caalamku aad u dhagaysto, markii aan afkaartii sheekha u sheegay ayuu inta uu ilka cadeeyay markiiba shaanbadii ku dhuftay yidhina waa qolodii caqlaaniga ahayd kuna xidhay fikirkii sheekha halkaa, waxaad moodaa dadkan in  quful lagu wada jabiyay oo furihii laga qaatay.

Qof wal oo bani aadam ihi miisaan ayuu xaga dambe ku  sitaa oo uu wax ku miisaamo, ogow ama ha ogaan eh, wax wal oo laguu  soo bandhigu miisaankaa ayaad saaraysa  haddii uu waafaqo waad qaadanaysaa haddii kale daaqad ayaad ka tuuraysaa.

Nin dheer oo aad u qurux badnaa ayaa loo fiirsaday waxa la arkay in uu dumarka gaagaaban aad u xiiseeyo, su’aal ayaa la waydiiyey sababta, wuxuu yidhi waxaan  ka helaa korkaa ay ii eegayaan, laakiin  markii la baadhay waxaa la ogaaday in ay hooyadii  gaabnayd iyo walaashii aadna ay u xanaanayn jireen, jacaylkii  uu u hayay ayuu u cabiraa gabadh wal oo gaaban.

Markaa dadkeena kooxo iyo qabaa’il aanay waxba ka jirin oo rag ku shaqaysto ayaa u miisaan ah wax wal oo loo soo bandhigo miisaankaa loo dhiibay ee furihiisii rag kale hayo ayuunbuu ku miisaamayaa, haddii uu waafaqna wuu qaadanayaa, haddii kalena daaqada ayuu ka tuurayaa, halkaas ayaanay ku dayaceen caqligii Illaahay inagu manaystay ee  xayawaanka aynu kaga duwanayn.

Hoos ka akhriso maqaalladii hore ee Nuur Xaaji Xiiray:

Ha isku akhriyin haddii aanad ku camal falayn

Qaabka ragga loo dhufaano

Cisaabada ragga dhufaanta

Dhacdo ugub ah oo masaajid Hargeysa ah ka dhacday

Waar xaggeed ku socotaa? 

Muxuu u batay bilaa-camalku?

Munaafiqiinta casriga ah

Waa maxay siyaasaddu?

Eydu waa bilicda magaalada

Bal dadkan ku dawakhay riwaayadan Kulmiye eega

Waa kuma doqonku?

Qabiil ma jiraa?

Waa kuma wadaadku?

Dadku xerooyin ayay ku jiraan

Sidee ummadi ku horumari kartaa ama qof ku horumari karaa?

Dhuuqaa ha noqon

Goorma ayaa ummad la hoggaamin karaa?

Sidee ayay u shaqeeyaan dadka dadka waalaa

Maxaad ka taqaanaa dadka waala?

Xarakaadka Islaamku ma gaadheen ahdaaftoodii?

Life is three days

Global War

Maxaa Somaliland loo ictiraafi waayey?

Yaa burburiyey Soomaaliya?

Dhallintu way gaajoonaysaa!

Shakhsiyadda adduunka loogu neceb yahay

Maxaa dadkeena sidan u galay

Dadka doofaarrada noqday

Ummad aan xidhe lahayn!

Nuur Xaaji Xiiray

nur.hersi21@gmail.com