Ra’iisal-Wasaaraha Canada wuxu cambaareeyey weerar dhimasho sababay oo loo gaystay masaajid ku yaalla Quebec

 

Ra’iisal-Wasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa cambaareeyey fal uu ku tilmaamay in uu argagixiso yahay oo xalay lagula kacay masaajid ku yaalla gobolka Af-Faransiiska lagaga hadlo ee Quebec ee ku yaalla dalkaas.

“Aniga iyo xaaskaygu waxaanu sida ugu daran u cambaareynaynaa falkaas lagula kacay masaajidka. Waa fal argagixiso oo aan metelin dadweynaha reer Canada. Dadka Muslimiinta ahi waxay qayb muhiim ah ka yihiin mujtamaca Canada. Wixii falkan sababay waanu baadhaynaa” ayuu yidhi Ra’iisal-Wasaare Trudeau.

Wuxu intaa raaciyey “Waxaanu tacsi tiiraanyo leh u diraynaa qoysaska kuwii ku naf waayey, kuwii ku dhaawacmayna waxan u rajaynaynaa caafimaad degdeg ah.”

Cid aan weli haybteeda la aqoonsan ayaa rasaas oodda kaga qaadday Masaajid ku yaalla Quebec, sidoo kalena ah Xarunta Dhaqanka ee Islamaaka ee gobolkaas. Wali si sugan looma hayo tirada ku naf-weyday iyo inta ku dhaawacantay, waxayse wararka hor dhaca ahi sheegayaan in aanay dhimashadu ka yarayn 5 qof.

Weerarkan waxa sidoo kale cambaareeyey badhasaabka goblka Quebec Philippe Couillardย wuxuna ku tilmaamay fal argagixiso.

War-murtiyeed ay waaberigii saaka soo saareen booliiska gobolka Quebec ayay ku sheegeen in si buuxda gacanta loogu dhigay amniga masaajidkii weerarku ka dhacay isla markaana dadkii ku sugnaa masaajidka meel kale loo daad-gureeyey. ย War-murtiyeedku wuxu dadweynaha u soo jeediyey in ay ka war-sugaan baadhitaannada isla markaana joojiyaan hadallada ku-tidhi-ku-teenta ah ee ay bulshada dhexdeeda ku faafinayaan.

“Wakhti adag baynu ku jirnaa. Iska daaya ku-tidhi-ku-teenta oo ka war suga baadhitaannada aanu bilawnay. Ilaahay ha inaga yeelo kuwii dul-qaad la yimaadda” ayay boolisku yidhaahdeen.

Goobaha lagu cibaadaysto ee magaalooyinka kale ee Canda iyo waliba magaalooyin Maraykanka ka tirsan ayaa iyagana amnigooda la adkeeyey.

Il-wareed: Wakaaladaha Caalamiga ah ee Wararka

Bandhige@gmail.comย