Raysal wasaaraha Ingiriiska oo sheegay in ay qaabili doonaan kumanaan qaxoontiga Suuriya

Raysal Wasaaraha Ingiriiska David Cameron ayaa sheegay in ay aqbali doonaan kumanaan qof oo ka tirsan qaxootiga ka imanaya Suuriya. David Cameron ayaa mawqifkiisii hore kadib markii dareen xoogan uu ka dhashay sawirka wiil yar oo Suuriyaan ah oo maydkiisa laga helay xeeb ku taala dalka Turkiga.

Dhaleecayn xoogan ayuu la kulmay David Cameron ka markii aanay Ingiriisku muujin dareen ay la wadaagayaan dadka qaxoontiga ah.

David Cameron oo haatan ku sugan magaalada Lisbon ee dalka Bortiqiiska halkaas oo kulan la lahaa dhigiisa ayaa la hadlay weriyayaasha, isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Waxaan ogolahay baaxadda dhibaatada iyo dadka dhibaatoonaya, maanta waxaan caddeynayaa in aan wax badan qaban doonno si aan magan-galyo u siino kumanaan kale oo ka mid ah qaxootiga Suuriyaanka ah.”

Cameron waxa uu sheegay in uu dawladda ala xaajoon doonto hay’adaha gurmadka sida ugu haboon, isla markaana ay macluumaad faah-faahsan soo gudbin doono todobaadka danbe.

Raysal Wasaare Ingiriiska arrintan uu ku dhawaaqay waxa ay muujinaysaa in isbadal weyni ku yimid aragtida iyo qorshihii uu hore u aaminsanaa.

Hadalka David Cameron ayaa imanaya wakhti ay Qaramadda Midoobay ka dalbatay waddamada Yurub in ay aqbalaan qaxoontiga Yurub soo galaya, lana taro caawimo badan.

bandhige@gmail.com