Madaxweynaha Nayjeeriya oo soo bandhigay hantiisa gaarka ah, si uu musuq maasuqa ula dagaalamo

Madaxweynaha cusub ee dalka Nayjeeriya Muhamadu Buhari ayaa daboolka ka qaaday soona bandhigay hantidiisa gaar ahaaneed, si uu meesha uga saaro musuq maasuq dalkiisa ragaadiyey, Madaxweynaha oo ay hantidiisu isugu jirto, xoolo, beer, meelo wax-soosaar leh iyo waliba sheerer uu ku leeyahay shirkado.

Gerba Shehu oo ah Af-hayeenka Madaxweynaha Cusub ee Nayjeeriya ayaa shaaca ka qaaday lacagta gaar ahaaneed ee Madaxweynaha account-kiisa ku jirta taasi oo dhan boqol iyo konton kun oo dollar ($150,000).

Waxaana la sheegay in qadarkan lacageed uu muujinayo in muhamadu Buhari oo hore u ahaan jiray Wasiirka batroolka iyo waliba Taliyaha ciidanka Qaranka Nayjeeriya uu hore ugu noolaan xaalad adag oo dhaqaale yaraan ah.

Sida uu sheegay Af-hayeenka Madaxweynaha Nayjeeriya ayaa waxa ay tahay hantida Madaxweynaha Nayjeeriya ah sidan.

  1. 5 guri iyo labba dergadood, iyo beero
  2. Dhul beereed iyo beer weyn oo ay joogto 270 neef oo lo,ah
  3. 25 adhi ah, 5 faras iyo waliba shibiro kala duwan noocyo badan ka kooban
  4. Saddex shirkadood oo uu saami ku leeyahay
  5. Laba gaadhi oo uu lacagtiisa dhigaalka ah ka iibsaday, iyo laba meelood oo uu dhul ku leeyahay

Sidoo kale waxa uu sheegay Af-hayeenka Madaxweynuhu in Madaxweyne Muhamadu Buhari uu ka hanti badan yahay madaxweyne-xigeenkiisu Yemi Obsinbajo oo uu haysto qadar lacageed oo ku dhaw hal milyan iyo badh oo dollar ($1.4milyan ) Yemi Obsinbajo oo hore u ahaan jiray Looyar iyo waliba Baadari kuwa Kiniisadaha ugu waaweyn Nayjeeriya.

Madaxweyne Muhamadu Buhari ayaa ah Madaxweynihii ugu horeeyey oo isagoo mucaarid ah ku guulaysta Madaxtinimada Nayjeeriya. Sidoo kale Buhari ayaa ololaha ku galay in uu shacbigiisa u soo bandhigidoonaan isaga iyo siyaasiyiintuba hantidooda gaar ahaaneed, si meesha looga saaro musuq maasuqa ay sameeyaan siyaasiyiinta qaarkood.

bandhige@gmail.com