Gunaanadkii Muuse Biixi, gooddigii wadaaddada iyo gorfayntii Guuleed(W.Q. Guuleed Maxamed Yaasiin “Dalxa”)

Waa madal loo dhammaa, madax iyo mijo waa wada fadhiyeen majliska. Badanka dadka ka soo qayb galay waa wadaaddo iyo qalin-qoyantii ay wax bari jireen. Raggu waxay si quruxsan ugu soo labbisteen marada cad ee shulugga ama khamiiska loo yaqaan halka dumarkuna ay soo hulaabteen xijaabka Eebbe Weyne suurutu Nuur ku faray inay halhaleel u xidhaan. Waalidiintu waxay la ashqaraarsanaayeen carruurtooda waxbaratay weliba diintii suubanayd kutubteeda hoose loo laqbeeyay.

Bareyaashu kama maqnayn meesha ee si teel teel ah ayay u garab fadhiyeen martida. Siyaasadi kama madhnaanayn waayo waxa aan meesha ka maqnayn siyaasiyiin uu ku jiro Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi. Sida caadadu ahayd hore ayaa loo furay xafladda oo lagu sagootinayay arday wax ka baratay rugta daraasaynta diinta Islaamka ee Ibnu Baas loo yaqaanno. Haddaba akhriste, bal aan soo minguuriyo khudbaddii Guddoomiye Biixi uu ka jeediyay madasha iyo gorfayn ama faaqidaad aan dul dhigay anigoo kaskayga maalaya.

Ma ihi aqoonyahan siyaasadda bartay, haddana kama madhni akhrinta buugaag ka hadasha Cilmiga Siyaasadda(Political Science)buugaagtaas oo ku qornaa Carabi iyo Ingiriisiba. Waan akhriyay macnaheedu maaha waan aqaannaa. Si kasta oo ay ahaataba, xiise gaar ah ayuu lahaa kulankaasi kolka si xeel dheer loo fekero na, maxsuul ayaa kaaga soo baxay.

Bal aan gorfayno weedha koobaad ee madasha uu ka jeediyay Guddoomiye Muuse:

“Culimada maanta waxaanu ka codsanaynaa inay khilaafka innaga yareeyaan, marka khilaafkoodu yaraadana horumar badan baynu gaadhaynaa, waayo dad mutacallimiin ah, oo masaajidkii kuugu yeedhaaya oo Qur’aankii akhriyaaya haddana iyagii is khilaafsani waa mushkilad weyn.”

Gorfayn: Kolka koobaad wadaaddada wuxuu ku dhiirigalinayaa in khilaafka diimeed la yareeyo. Taa macnaheedu waa in Muuse Biixi jecelyahay midaynta ummadda, haseyeeshee aanu aad u fahansanayn khilaafka wadaaddadu isku hayaan. Kolka labaad wuxuu ku boorinayaa dadka kheyrka isagoo wadaaddada dib u wacdinaya oo u sheegaya inay ku cibro qaataan wanaagga ay dadka farayaan oo aanay naftooda ka ilaabin. Si kale haddii aan u dhigno, waxaan odhan karaa waa wadaad kuwii kale wacdinaya oo masuuliyad ay gabeen dib u xasuusinaya.

“Siyaasaddu waa hoggaamintiiye haddii la idin leeyahay xisbiyadu way idinku dan gaadhayaan oo waa beenaaleyaal, mid wanaagsan oo daacad ah oo si fiican kuu hoggaamiya dooro, maxaad u calaacalaysaan, yaad se eersanaysaan?”

Gorfayn: Kolkan wuxuu hilfaha u jarayaa maahmaahdii Soomaaliyeed ee odhan jirtay:

“Wadaad qiil uu wax ku bannaysto iyo qandi/qindi uu ku gurto midna ma waayo.”

Wadaaddada wuxuu u sheegayaa in maanta aanu qiil jirin ay berrito dib u calaan calaan oo ay siyaasiga la doortay wax ka sheegaan. Midda kale ee uu u sarbeebay wadaaddada ee meesha ku jirtaa waa in aanay dhag jalaq u siin kuwa talada taban ula imanaya. Taa beddelkeeda wuxuu kula dardaarmay inay maskaxdooda adeegsadaan si ay dhabbada togan cagta u saaraan.

“Waxaan maqlaa wadaaddadu ma codeeyaan doorashooyinka, xisbina ma galaan, markaa haddaad ka qaybqaadan weydaan hoggaaminta dalka aayadihiina aad akhriyeysaan…. oo aad taladii diiddaan, hadhaw haddii shaydaan idiin taliyo maxaad u calcaacalaysaan?”

Gorfayn: Waa gar uu soo saaray miiska oo warcelintoodu ku kakan tahay wadaaddada. Ugu horrayn waxa uu culimada xusuusiyay in ay bannaan tahay in la codeeyo, xisbina la geli karo. Taasi maaha arrin ugub ah oo Suuratu Yuusuf faa’iidooyinka kun ku dhaw ayay ba culimada Tafsiirku ka soo saareen. Midda kale waxaad moodda inuu Muuse Biixi ka war qabo in badanka culimada Muslimiinta aqoonta fog leh ay banneeyeen in la codeyn karo oo doorashada la geli karo haddii la helo shuruudo iyagoo daliishanaya aayaddii uu Nebi Yuusuf ku dalbaday in laga dhigo Wasiirka Maaliyadda sababta oo ah wuxuu lahaa laba tilmaamood oo kala ah: Ammaano iyo Aqoon. In ay bannaan tahay waxa sheegay Sheekh Albani oo xitaa raaciyay in dumarku u bixi karaan goobaha codbixinta. (Tix-raac: Majalatu Salafiya Cadadkii saddexaad, sannadkii 1418 Hj, bogga 29aad). Guddida Fatwadda loo daba fadhiisto ee xaruntoodu tahay Sucuudiga kol la weydiiyay u codeynta xisbiyo kala diin ah oo qaar Islaam wax ku xukumayaan qaarna mabaadii kale, waxay ku warceliyeen in loo codeeyo ka diinta ku xukumaya. (Tix-raac: Lajinatu Daaima, majaladda 23aad, lambarka fatwada 4029, bogga 407).

Sidaa si la mid ah, Urur Weynaha Fiqiga Islaamiga ah oo xaruntiisu tahay magaalada Maka al Mukarrama mar la weydiiyay weydiintaas codaynta iyo doorasha, waxay sheegeen in haddii wanaagga Muslimiintu ku jirto la gelayo(Maslaxun Raajixa). (Tix-raac: Kal-fadhigii 19aad, 22-27 Shawaal, 1428 dii).

Dr Yuusuf al Qardaawi mar muuqaal-baahiyaha Al-Jasiira ee Carabiga ku baxaa weydiintaas u soo jeediyay aniguna aan daawanayay, wuxuu ku warceliyay:

“Anigu waxaan u arkaaba inay waajib tahay oo uu saamaxayo waaqicu in doorashada la galo lana codeeyo.”

Geesta kale, malahayga kama warqabo Muuse Biixi in wadaaddadu ku kala geddisan yihiin codeynta. Tusaale ahaan, kooxdan ama xarakadan ee uu madasha kala soo qayb galay gebi ahaanba ma oggolaadaan doorashada, waxa ay laalaan aragtida fiqi-ruuggu ay qabaan, dhegaha ayay ka furaystaan fatwooyinka aan soo xusnay, waxa ayna dhabbihiisa qaadaan oo si indho la’aan ah ay u taageeraan Sheekhii aasaasay kooxdan qaybteeda Yaman Sheekh Muqbil Alle ha u naxariistee oo isagu diiddanaa sida aanu ka dhegaysannay mid ka mid ah cajaladihiisa. Waxa kale oo jirta in culimada kale ee Soomaalidu ay oggolyihiin in la codeeyo iyagoo caddeyntiina haya walow cumuumka xogaha sugan ba ha ku dhagaane. (Nusuusta Cumuumka ah).

“Dalku wuxu u baahan yahay in loo soo saaro madax Muslim ah oo aan been sheegin oo iimaan leh, culimadana wax xil ka saaran yahay inay nolosha xagga hore u qaadaan hadday hoggaaminta ka baqdaanse u qaadi kari maayaan oo xagga dambe ayey gelayaan.”

Gorfayn: Ugu danbeyn, waxa uu Muuse Biixi ku ganay culimada hadallo darandoorri ah oo si dhab ah u taabanayay maankooda. Dhinac wuxuu u yamxeerinayaa in isaga la doorto, dhinac na wuxuu ka tiraabayaa tilmaamaha togan ee tibaaxaya in uu waddanka hanan karo. Isku soo wada xooriyoo, kolka la eego maanta siyaasiyiinta Somaliland ee u tartamaya kursiga, waxa aad mooddaa in Muuse yahay kan kaalinta koobaad ku dhacaya. Waa ruug-caddaa muddo dheer ku jiray siyaasadda illaa 1965-kii, waa aqoonyahan aad u yaqaanna habka xalinta khilaafaadka, waayo wuxuu ka soo qayb galay shirarkii badnaa ee dib u heshiisiinta. Kolka laga yimaaddo waayo aragnimadiisa wuxuu jaamacadda kaba bartay isla cilmigaas, wuxuu si dhaw ula socdaa tabashada beelaha qaar, waana nin takhasus ku ah ummadda ku dhaqan dalkan.

Hoos ka akhriso maqaalladii hore ee Guuleed Maxamed Yaasiin “Dalxa”:

Why not learn English? (Gulaid Mohammed Yassin “Dalha”)

Why not learn English- 5th Article (By: Gulaid Mohammed Yassin “Dalha”)

Why not learn English? (Gulaid Mohammed Yassin “Dalha”)

DALXAAUTHOR@GMAIL.COM

063-4839797