Dalka Maraykanka ayaa beryahan ugu dambaysay waxa ka socday olole lagu ansixinayo shuruuc is-daba-joog ah oo lagaga hor tagayo in shareecada Islaamku ay lug ku lahaato Maxkamadaha Maraykanka amaba ay dhinac uun ka soo gasho.
Shuruucdan cusub waxa hor kacaya xubin ka tirsan xisbiga Jamhuuriga oo magaciisa la yidhaa Harry Limehouse wuxuna doonayaa in aan maxkamadaha Maraykanka lagu soo hadal qaadan ama inta kiisaska lagu jiro aan la xigan wax la xidhiidha qawaaniinta Islaamka.
Durba waxa sharcigan ansixiyey Golaha Wakiillada ee gobolka Koonfurta Carolina. Hase ahaatee si uu sharcigani u noqdo mid dhammaystiran waxa loo baahan yahay in ay sidoo kale ansixiyaan Golaha Odayaasha ee gobolkani.
Sharcigani wuxu ku soo beegmay wakhti gobollo kale oo Maraykanka ahi ay ku gudo jiraan samaynta sharciyo kan la mid ah iyadoo 31 gobol oo Maraykanka ka tirsanina ay diideen in qaxootiga Suuriya ay gobolladooda yimaadaan.
Robert McCaw oo ah afhayeenka Golaha Xidhiidhada Islaamka ee Maraykanka ayaa sharcigan Koonfruta Carolina laga wado ku sifeeyey mid lagaga hortagayo dadka Islaamka ee gobolkaas ku nooli in ay ku dhaqmaan diinta Islaamka.
Ugu yaraan lix sharci oo Islaamka ka soo hor jeeda ayaa sannadkii 2015-kii la ansixiyey Maraykanka gudihiisa iyadoo shuruuc kuwan la mid ahna hadda la hor keenay Golaha Kongreeska ee Maraykanka si ay u ansixiyaan.
There were at least six anti-foreign law bills introduced in state legislatures across the country in 2015, while a similar bill barring Islamic law from federal courts was reintroduced in Congress last July.
Muslimiinta ku dhaqan Maraykanka ayaa cabsi badani soo wajahday iyagoo shuruucdan ka dhadhansanaya in lagu cabudhinayo laguna wax yeelayno xoriyaddii Muslimiinta ee Maraykanka.
Xeer Ilaaliye Limehouse oo Aljazeera wax ka waydiisay sharcigan uu dabada ka riixayo wuxu yidhi:
“Waddankan waxanu ku soo dhawaynay Kiristaan, Muslimiin iyo Yuhuud. Inta ay halkan ku nool yihiin waxay ku hoos noolaan doonaan sharciga Maraykanka maaha diimihii ay la yimaadeen. Walibana way ku barwaaqoobi doonaan sida aan rajaynayo.”
Il-wareed: Aljazeera