Midowga Afrika oo isku raacay in aan ciidamo Nabad-ilaalineed loo dirin Burundi sidaasna waxa sheegay Afhayeen u hadlay Midowga Afrika.
Ergeyga Gaarka ah ee Ururka Midowga Afrika oo gobolka Harooyinka Waaweyn, Ibrahima Fall ayaa sheegay in aysan marnba hore u aheyn qorshaha Ururka Midowga Afrika in ay ciidamo Nabad Ilaalin ah geyso dalkaasi dowladda oo ogolaate mooyee.
Madaxweynaha dalka Burundi Pierre Nkurunziza ayaa sheegaya in uu arkayo colaad haddii ay ciidamo ka socda Ururka Midowga Afrika soo farogaliyaan dalkiisa.
Go’aanka Nkurunziza uu sanadkii hore ku gaaray in uu xili saddexaad u tartamo jagada madaxtinimada ayaa kiciyay rabshadaha hadda jira kuwaas oo ay lagu dilay in ka badan boqolaal qof oo rayid ah.