Madaxweyne Siilaanyo safar kedis ah ugu ambabaxay Gobollada Beriga

????????????????????????????????????

Wefti uu hoggaaminayo Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa saaka safar ugu baxay gobolada Saaxil iyo Togdheerย halkaas oo madaxweynuhu kala kulmay soo dhawayn balaadhan.

Madaxweyne ayaa waxa la filayaa inta uu ku sugan yahay gobollada Togdheer in uu ka qayb galo xuska sannad guurada ciidan qaranka gaar ahaan Talista ciidanka Qaranka ee Oog.

Safarkan Madaxweynuhu ugu baxay gobolada bariga Somaliland ayaa intii uu ku guda jiray waxa si mug iyo miisaanba leh loogu soo dhawaynaayey degmooyinka iyo tuulooyinka u dhexeeya saddexda gobol ee Maroodi-jeex, Saaxil iyo Togdheer oo uu Madaxweynuhu shacbigii ku soo dhaweeyey salaan kal iyo laab ah ugu gacan haadiynaayey intii lagu gudo jiray Socdaalka.

Weftigii Madaxweynuhu hogaaminaayeyna waxay caawa ku hoydeen magaalo madaxda gobolka Togdheer ee Burco, halkaas oo madaxweynuhu hadii eebbe qadaro uu hawlihiisa shaqo ka sii wadan doono.

 

bandhige@gmail.co