Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Cabdillaahi Daahir Cukuse ayaa shaqaddii ka joojiyey weriye Xasan Faarax Qamaam oo ka tirsanaa weriyeyaasha talefeeshanka qaranka Somaliland.
Illaa hadda lama ogga sababta rasmiga ah ee weriyahan loogga joojiyey shaqaddiisii balse xidhiidh aanu la samaynay weriye Xasan Faarax Qamaam, ayaa noo caddeeyey in wasiirka warfaafintu uu ka hor istaagay in uu gutto hawlahiisii shaqo, waxaana uu tilmaamay in wasiir Cukuse uu ku ballamiyey ciidamada illaalada wasaaradda Warfaafinta in aanu soo gelin guud ahaanba wasaaraddaas oo ah xarunta uu ku yaallo Tv-ga qaranka Somaliland.
Xasan Faarax Qamaam oo arrimahaas ka hadlaya waxa uu sheegay in uu cabasho xooggan uu ka tirsanaayo wasiirka wasaaradda Warfaafinta, waxaan hadaladiisii ka mid ahaa:
“Waa na laga hor istaagay gudashaddii hawlahayaga shaqo, waxaana aanu hadda shaqada ka maqan nahay oo aanana shaqeynin muddo Afar cisho ah, illaa hadda ma garanaayo sababta keentay in shaqada la iga joojiyo, ciidamada amaanka ee wasaaradda Warfaafintuna waxa ay ii sheegeen in aanan geli karin gudaha hore ee wasaaradda oo ah meesha ay ka socoto hawlaha shaqo ee Tv-gu, markii aan sababta weydiiyeyna waxa ay ii sheegeen in wasiir Cukuse uu amar kuu siiyey in aanan kadinka ka soo galin, marka aad iyo ayaan uga cabanaynaa wasiirka, waana tallaabo aanan garanayn sababta uu u sameynaayo illaa hadda.”
Dhinaca Cakuse ayaa war rasmi ah ka soo saarinta shaqo joojinta weriyahana iyo eedaymaha shaqo joojinta ee uu ku soo eeedeeyey weriye Xasan.