Tartankii kubadda kolleyga bisha Ramadaan (Maxamed-Rashiid Cup ) ee ka socday garoonka Timacadde oo la soo gebogebeeyey

Kooxdan wasaaradda Macdanta iyo Tamarta ayaa ah markii saddexaad oo xidhiidha oo ay ku guuleysato koobka kubbada kolleyga bisha Ramadaan oo sanad walba lagu qabto garoonka kubbada kolleyga Hargeisa ee Timacade.

Ciyaartii lagu afmeerayey tartanka ayaa waxay dhexmartay labada kooxood ee Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta iyo ururka haweenka ee NAGAAD, ciyaaartan ayaa mid aad u xamaasad badnay, aadna la isugu dhawaa xaga dhibcaha, labada kooxoodna ay soo bandhigeen ciyaar wanaag iyo akhlaaq wanaag ayaa waxay guushii ku raacday kooxda wasaaradda Macdanta iyo Tamarta oo  keensatay 32 dhibcood halka kooxda ururka haweenka ee NAGAAD ay keensatay 30 dhibcood.

Tartankan oo muddo labba toddobaad ah ka socday garoonka Tima cadde, oo ay soo qaban-qaabiyeen guddi iyadu iskeed isku xil-qaantay, ayaa habeenkii xalay ahaa lagu soo gunaanaday, iyadoo sanadkan lagu xusayay ALLE ha u naxariistee Marxmuum Maxamed-rashiid Muxumed Faarax, oo ahaa xoghayihii hore ee ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA.

Ciyaartan Final-ka ahayd ee xalay ka dhacday garoonka Tima cadde ayaa waxa ka soo qayb galay masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid ahaayeen wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Xuseen Cabdi Ducaale, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Maxamed Xuseen Dhabeeye, Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac (xuuto), La-taliyaha madaxweynaha ee arrimaha dhallinyaradda Cabdinajax Siyaad Yoonis, safiirka Somaliland u fadhiya dalalka isu-taga Imaaraadka Carabta Danjire Baashe Cawil Xaaji Cumar,

Masuuliyiintan ayaa iyagu dhamaantood  ay ku amaanay guddiga tartankan isuku xilqaantay iyo dhammaan kooxihii ka qayb galay tartanka sida wanaagsan ee ay u muujiyeen ciyaar wanaaga.

Sidoo  kale waxay masuuliyiintani iyo dadweyne kale oo tirro badan oo ka soo qayb galay ciyaarta ay halkaasi ugu duceeyeen marxuum Maxamed-rashiid Muxumed faarax oo sanadkan loogu magac daray koobkan,

Ugu dambeyntii waxa  biladdo iyo abaal-marinno la guddoonsiiyay ciyaartooyadii, masuuliyiintii iyo shaqsiyaadkii gacanta ka gaystay qabsoomida tartankaasi.

bandhige@gmail.com