Iswisarland oo gacanta ka gelisay Maraykanka 7 ka mid ah saraakiisha FIFA ee loo haystay musuq-maasuqa

 

7 sarkaal oo ka tirsan saraakiishii FIFA ee bishii May lagu xidhay waddanka Iswisarland ayaa lagu wareejisay Maraykanka, ka dib markii ay ka codsadeen Iswisarland in lagu soo wareejiyo si eedaymihii musuq-maasuq ee ay ku soo oogeen loogu oogo.

War-saxaafadeed ay soo saartay xafiiska caddaalada Iswisarland ayaa lagu sheegay in masuuliyiinta u xidhnaa eedaymihii musuq-maasuq ee FIFA lagu wareejiyey Maraykanka shalay oo Arbaca ahayd.

Hase yeeshee war-saxaafadeedkan ka soo baxay waaxda Caddaalada ayaan lagu sheegin magacyada sariikiishan lagu wareejiyey Maraykanka.

Ilo wareedyo ayaa u sheegay warbaahinta todobaadkii hore inay dawladda Iswisarland iyo Maraykanku ku heshiiyeen in lagu wareejiyo labada masuul ee kala ah sheeg Jeffrey Webb oo ahaa madaxweyne-xigeenkii hore iyo madaxweyne xidhiidhka CONCACAF.

Magacyada saraakiish loo gacan geliyey Maraykan ayaa la filayaa in la ogaadeen maalmaha soo socda.

bandhige@gmail.com