Abaalkii la iima gudin (W.Q. Muuse M. Ciise “Dalmar”)

 

Is ammaani maayo, laakiinse waxa aan ahay hooyo dun-wanaag iyo garashaba lagu majeerto. Hooyo ay ka nabad galeen, kana mahad sheegtaan reerka ay u dhaxday, kay ka dhalatay iyo deriskeeduba.

Dhammaan astaamihii dhabeel lagu yaqaannay, geesina ku suntanaan jiray oo dhan ayuu Rabbi iigu deeqay. Inkasta oo nasiibku iga xumaaday dhawr jeer, calafkuna ii geeyay rag aan i hanan karin, haddana waxaan ahay hooyo samir iyo dulqaad u leh xaalad kasta oo la soo derista.

Bulshada ila nool iyo inta i soo martidaba waan u roonahay, ma ihi hooyo kala takoorta dadkeeda, Soomaali daayoo bulshooyinka kale ee gurigayga mar uun arkaa kama xiiso gooyaan.

Waxaanay dadka qaar in badan gurigayga ku sifeeyaan magacyo kale duwan oo ka turjumaya wanaaga iyo farxadda hoygayga taalla, waxa ka mid ah magacyadaa, jannadii ifka, hoygii raaxada iyo farxadda, hadhwanaag, gun weyn iyo gurigii gobonnimada iyo nabadda. Intaas aan soo sheegay iyo in ka badan ba aniga oo ku sifoobay, haddana dadkaygu iima tudhaan, in ay igu shaqaystaan mooyee hoos uma eegaan baahiyahayga.

Gurigayga intaas oo qof hoy u noqday ayaa hadh iyo habeenba qashin iyo uskag lagu hor daadiyaa, ma haysto garoonno ay carruurtu ku ciyaaraan, oo meel kasta waxa si foolxun looga dhisay guri, qorshe xumo awgeedna waxa aan marar badan waayaa waddo yar oo aan carruurta la maro marka aan dugsiga gaynayo.

Marka aan waxaas oo dhan arko waan niyad jabaa, waxaanan ka xumaadaa sida aan uga hadhay, ugana bilic liito haweenkii qayrkay ahaa ee dunida igula noolaa. Waa markaas marka aan is idhaa muxuu Ilaahay Afrika kuugu beeray.

Haddana waxa aan nafta ku qanciyaa kaalinta aan ugu jiro dadka iyo sida ay ii dugsaan kumanaanka qof. Waxaan Ilaahay markasta waydiistaa in uu meel roon i mariyo, kadinkana iiga soo galiyo hanadkii nolosha ila qaybsan lahaa, qayrkayna i dhaafin lahaa, ka aan sheegayaa maaha nin maal badan leh, waase mid isku darsaday, aqoon, karti, dal-jacayl iyo daacadnimo, waa kaas ka aan doonayo in uu quruxdayda iyo qorshaygaba la wareego.

Waa geesi i gaadhsiiya halka aan higsanayo, haddii calafku kaa ii geeyo, waa hubaal in aan maalin dhaw noqon doono hooyo quruxdeeda, deeqdeeda iyo sharafteedaba dunidu martido.

Alla hoogi waynay, show ismaan kiin barinba. Tu hadal badan baan ahee sowta sheekadu ila taraartay, bal aan hadda uun iskiin baree, magacaygu waa Hargeysa, waxaanan u baahnay maamul fiican oo bilicdayda iyo qorshahaygaba kor u qaada.

Waxaanan dadka igu nool ee aan hoyga u noqday leeyahay, sidaan idiinku lisay iigu maydun hambayn, taas waxaan uga jeedaa hayga shaqaysanina uune, ii shaqeeya markayga aan Nayroobi iyo Addis Ababa la tartamee.

Waxa aan u baahnahay maamul karti iyo aqoon ba leh oo iila macaamila sidii caasimad laga yeeli jiray.

Muuse M. Ciise ( Dalmar )
musa.m.isse@hotmail.com
Stockholm, Sweden