Madaxweyne Siilaanyo waxa uu magacaabay guddi qaban-qaabin doonta aaska marxuum Fu’aad Aadan Cadde

Madaxweyne Siilaanyo ayaa guddi ka kooban 8 xubnood oo iskugu jira wasiiro, baarlamaan iyo xubno ka tirsan xisbiga Kulmiye u magacaabay qaban-qaabada aaska marxuun Fu’aad Aadan Cadde oo dalka Turkiga ku geeriyooday.

War-saxaafadeedka magacaabista guddiga qaban qaabada aaska marxuun Fu’aad Aadan Cadde oo ka soo baxay madaxtooyadu wuxuu u dhignaa sidan:

WAR-SAXAAFADEED

Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay  JSL/M/MG/0833430/072015 ku magacaabay guddi heer qaran oo qaban-qaabin doonta aaska marxuum Fu’aad Aadan Cadde.

Digreetada Madaxweynaha:-

Ku:      Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada         Guddoomiye

Ku:      Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta                          Xubin

Ku:      Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta                                    Xubin

Ku:      Wasiirka Wasaaradda Warshadaha                                      Xubin

Ku:      Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada        Xubin

Ku:      Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Xisbiga Kulmiye              Xubin

Ku:      Maayar Ku-xigeenka Caasimadda Hargeysa, ahna

Ku-simaha Maayarka Hargeysa                                           Xubin

Ku:      Mudane, Cabdirashiid Ducaale Qambi                                Xubin

Ujeeddo:          Magacaabid Guddida Aaska Marxuum Fu’aad Aadan Cadde

Mudanayaal,

Sida aad ka war-haysaan, waxa shacbiga Somaliland ka baxay oo geeriyooday Alle ha u naxariistee marxuum Fu’aad Aadan Cadde.

Sidaas darteed, waxaan idiin magacaabay Guddida Qaban-qaabadda aaska marxuum Fu’aad Aadan Cadde, waxaana guddoomiye idiin noqon doonna Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada.

Waxaan idinka rajaynayaa in aad xil waafiya iska saari doontaan, isla markaana si milgo iyo maamuus qaran leh u diyaarin doontaan aaska marxuumka.

ALLAA MAHAD LEH

 

Axmed  Saleebaan  Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.