Xisbiga UCID oo 50 qoys oo danyar ah Hargeysa raashin ugu qaybiyey

Xisbiga UCID ayaa 50 qoys oo danyar ah oo degan xaafadaha Isteet Howska iyo Daami raashin ugu qaybiyey oo ay madaxda xisbigu ku sheegeen inuu sakaatul fidrigii xisbiga yahay.

Xaflada qaybinta raashinkan ayaa waxa ugu horeyn ka hadlay Xoghayaha Warfaafinta xisbiga UCID Yuusuf Kayse Cabdilaahi waxaanu yidhi:

ย โ€œwaxaynu ku guda jirnaa tobankii ugu danbeeyey ee bisha barakaysan ee Ramadaan gaar ahaan ayaamihii u danbeeyey ee la bilaabi jiray bixinta sakaatul fidriga, aniga oo wakiil ka ah xarunta dhexe ee xisbiga UCID waxa bil kasta oo Ramadaan ah waxanu sakaatul fidriga u bixinaynaa sidii aanu u bixin jirnay, waxaanu maanta ooย  bisha Ramadaan tahay 28 ka bilawnay qaybin sakaatul fidriga oo aanu gaadhsiin doono afar gobol, waxaananย ka ย bilaabaynaa Hargeysaย 50 qoys oo danyar siinayno raashin.โ€

Sidoo kale waxa uu sheegay ina sii wadayaan qaybinta raashinka sakaatul fidriga maalmaha soo socda, talaabadanin aanay ahayn mid ku cusub xisbiga ee uu sannad walba qaybiyo sakaatul fidriga tobanka cisho ee u danbeeya bisha Ramadaan.

bandhige@gmail.com