Kiiniya waxay joojisay duulimaadyada diyaaradaha ka yimaada Soomaaliya

Dawladda kiiniya ayaa joojisay duulimaayadda diyaaradaha ka yimaada Soomaaliya ka hor booqashada madaxweyne Obama ku iman doono Nayroobi dhammaadka bishan.

Dawladda Kiiniya ayaa ku sababaysay joojinta duulimaadyada ka yimaada Soomaaliya mid ay dhinaca amaanka kor loogu qaadayo iyo dalab ka yimid dawladda Maraykanka.

Sidoo kale Maraykanka ayaa soo saaray warqad digniin ah oo inaanay muwaadiniintiisa u safrin Kiiniya ka hor booqashada madaxweyne Obama dalka Kiiniya, ka qayb galida shirka Ganacsiga Caalamiga ah ee ka dhici doona Nayroobi 24ka ilaa 26ka Juulay.

Dhinaca kale, Kooxaha, hay’adaha xuquuqda aadamaha u dooda oo ka kooban 17 hay’adood ayaa maanta baahisay warqad qoraal ah oo ku booriyay madaxweynaha Maraykanka Barack Obama inuu uga faa’ideysto safarkiisa uu dhawaan ku tagayo Kiiniya, caddaadis uu ku saaro dowladda Kiiniya inay hagaajiso hab dhaqankeeda dhinaca xuquuqda aadamaha ah ee aan fiicnayn.

Booqashadan la filayo inuu madaxwene Barak Obama ku tegayo Kiiniya ayaa noqonaysa booqashadiisii ugu horey ee uu ku tego tan iyo intii noqday madaxweynaha Maraykanka.

bandhige@gmail.com