Marwada koowaad ayaa gaadhsiiyey sharaab iyo buskud xarunta Agoomaha Hargeysa

Marwada madaxweynaha Aamina Sheekh Maxamed Jirde ayaa maanta gaadhsiiyey deeq isku jirta sharaab iyo buskud ay ugu talo gashay inay carruurtu ku ciidaan maalinta ciida.

Marwada oo ka hadashay xafladii lagu gudoonsiinta deeqdan xarunta Agoomaha Hargeysa waxay tidhi:

 “ Carruurta qofka galab soo bariidiya halkaa kubbada la yara laagaa,  wax buu u taray qofka madaxa u salaaxaa wax buu u taray, qofka kuwa yar yar ee  suuqa laga soo qaado intuu tago is dul taago, hablaha iyo dadka haya yidhaahda Jasaakum laah kheyr  ku yidhaahda wax buu u taray, markaa carruurtuna waa inaga wada dhaxaysaa cid gooniyi malaha waa carruurteenii waa mustaqbalkeenii waa kuwii dalkan insha allaahu bidmilaahi kariim u adeegi lahaa ee wax u noqon lahaa waxtarka u noqon lahaa markaa waajib baa kuligeen inaga wada saaran, waxaan ilaahay ka baryayaa inuu  Illaahay inoo sakhiro oo ay noqdaan caruur edeb leh, akhlaaq leh, oo dalkooda iyo diintooda iyo dadnimadoodaba wax u taransan kara.”

Aamina-weris ayaa tobankii maalmood ee u danbeeya bisha Ramadaan deeqo kale duwan gaadhsiiyey xarunta Agoomaha Gabiley, Dhakhtarka wayn ee Hargeysa, Dhakhtar carruurta Dr. Maxamed Sheekh iyo xarunta Agoomaha Hargeysa oo ay maanta soo gaadhsiisay deeqdan.

 

bandhige@gmail.com