Madaxweyne Siilaanyo oo hambalyo u diray bulshada reer Somaliland munaasabadda ciidda Fidriga awgeed Madaxweyne

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa shacabka Somaliland u hambalyo u diray shacabka Somaliland iyo ummadaha Islaamka meelkasta oo ay joogaan.

Waxa kale oo uu madaxwene Siilaanyo ayaa shacabka Somaliland ugu duceeyey in uu ilaahay ka aqbalo, soonka iyo cibaadadii bisha Ramadaan uu inaga aqbalo, sannadkan sannadkiisana innagu gaadhsiiyo nabad, bash-bash iyo barwaaqo, inta xanuusanaysa iyo dhibaataysana uu Illaahay ka dul qaado.

Ugu dambayn, waxaan idiin leeyahay Ciid Mubaarak, Kullu Caam wa antum bilkhayr.

Hambalyo.. Hambalyo..Hambalyo..